"Ajaanibku Waxa Uu Muhiim Noqdaa Marka Ay Soomaali Is Hayso"…Ex Wasiir Yuusuf Garaad
Muqdisho(HWN):-Wasiirkii hore ee arimaha dibada dawlada soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa soo bandhigay sababaha ay ajaanibku u farageliyaan soomaaliya wakhtiyada ay khilaafaadka siyaasiga ahi jiraan.
Ex wasiir Garaad ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu ka waramay sababta ay ajaanibku muhiim u yihiin marka khilaafku soo kala dhex galo soomaalida, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi:-
Doorashada Jubaland ee Kismaayo ka socota, Xukuumadda Federaalka ee Somalia lagama talo gelin. Raalli kama aha mana joojin karto. Xataa waxba kama beddeli karto, goob joogna kama noqon karto.
Ajnabiga nagu milan kuma faraxsani, raallina kama ihi.
Waxaanse ogahay in ajnabi kaalin yeesho marka Soomaali is haysaa ay cudud bidaan.
Ajnabi waxa uu muhiim noqdaa marka Soomaali is haysa uu midkood cudud ka dhigto quwad shisheeye, oo danteeda ilaashaneysa, asaga oo dabcan wax uga beddelanaya.
Midka kalena uu helo dal, isaga oo dantiisa ilaashanaya, diyaar u ah in uu ka daafaco dhinaca ay is hayaan.
Taas oo wiiqeysa Qarannimada Soomaaliya. Markaa iigu kaadi ajnebiga oo ragaadka nagu fogeyn kara laakiin aan na muquunin kari doonin.
Marka aad si deggan u qiimeyso sida ay Dowladdu ula dhaqantay Dowlad Goboleed kasta oo ay gacanteedu gaarto, ma jirtaa cid ay eersan karto mise iyadaa kobtatadan is dhigtay?
Waxa Qoray Yuusuf Garaad