Maraykanka Iyo Denmark Oo Isku Seegay Jasiirad Madaxweyne Trump Dalbaday In Laga Iibiyo USA

0
Thursday August 22, 2019 - 11:00:11 in News by
  • Visits: 1741
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Iyo Denmark Oo Isku Seegay Jasiirad Madaxweyne Trump Dalbaday In Laga Iibiyo USA

    Maraykanka Iyo Denmark Oo Isku Seegay Jasiirad Madaxweyne Trump Dalbaday In Laga Iibiyo USA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraykanka Iyo Denmark Oo Isku Seegay Jasiirad Madaxweyne Trump Dalbaday In Laga Iibiyo USA


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa ka baaqday kulan sii qorsheynaa oo uu la yaalan lahaa Ra’iisal Wasaaraha dalka Denmark Mette Frederiksen. Sababta ayaa la sheegay in RW-ha Denmark ayna Madaxweyne Trump kala hadli doonin suurto galnimada in Maraykanku uu iibsado dhulka Greenland.




Fariin dhinaca twitterka ayaa madaxweyne Trump uu ku yidhi: "Denmarka waa dal gaar ah oo dad wanwanaagsan leh, hase yeeshee, maaddaama Ra’iisal Wasaare Metter Frederiksen ayna daneynin in ay ka hadasho inaan Greenland iibsano, xilli kale ayaan dib ugu dhigayaa kulankii noo qorsheysnaa ee labo toddobaad ka dib dhici lahaa.”


Trump ayaa xiliyadii dambe ka hadlayey fikradda in Maryakanku uu dalka Denmarka ka iibsado dhulka Greenland. Axaddii toddobaadkan ayuu sheegay in Denmark ay dhulkaas leedahay, Maryakanka iyo Denmarkna ay xulufo wanaagsan yihiin.


Madaxda dawladda Denmark ayaa durbadiiba ka jawaabay oo sheegay in jasiiraddu ayna iib aheyn.


Maxay Ahayd Jasiiradda Greenland.


Greenland waa jasiiradda ugu wayn dunida (marka laga soo tago Australia, oo lagu tilmaamo qaarad kaligeed taagan). Jasiiraddan oo ah maamul goboleed ka tirsan dalka Denmark ayaa ku taalla inta u dhaxeysa Waqooyiga badweynta Atlantic iyo Arctic.


In kabadan 80% jasiiradda waxaa ku dahaaran baraf, waxaana laga cabsi qabaa in uu milmayo kulayka dunida ka jira awgii.


Barafka dhalaalaya ayaa sare u qaaday macdantii ay dadku kala soo baxayeen jasiiradda.


Balse waxaa dhanka kalana la rumaysan yahay in barafka dhalaalaya uu bannaanka soo dhigo haraa nukliyeer oo dhawr goobood uu kaga tagay milatariga Maraykanku markii uu socday dagaalkii qaboobaa.


Waxa Kale Oo La Is Waydiinayaa Maxay Jasiiraddani U Soo Jiidatay Trump?


Trump ayaa la sheegay in uu xiisaynayo Greenland, arrimaha uu u rabana ay qayb ka tahay in ay qani ku tahay macdan badan oo dabiici ah oo kala noocnooc ah.


Inkastoo laga yaabo in Greenland ay hodan tahay, haddana Denmark ayay ku tiirsan tahay marka ay timaado miisaniyada waxayna ka heshaa saddex meeloodow labo ka mid ah miisaaniyad sannadeed keeda. Waxaa ku badan is dilidda, kharmi cabka iyo shaqo la’aanta. Waxaa ku nool dad lagu qiyaaso 56,000 oo ku teedsan xeebaha, 90% dadka ku nool waa dadkii asal ahaan u daganaan jiray, waxay haystaan ismaamulid xaddidan waxayna leeyihiin baarlamaan u gooni ah.



Halkan Guji Si Aad U Sii Akhrisato

 


Loading...
Loading...