Amniga Kismaayo Oo Si Weyn Loo Adkeeyay
Sida ay Sheegeen dad ku nool magaalada,
"waxaa la joojiyay isu socodka gaadiidka, waxaana la ogol yahay dadka lugeynayo
oo keliya ah.”
Arrintan waxay imaaneysaa iyadoo laa filayo in maanta magaalada Kismaayo ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Jubbaland, inkastoo weli aan laga heshiin khilaafka siyaasadeed.
Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Jubaland
Xamze Cabdi Bare ayaa BBC u sheegay in "doorashada howleheeda ay si wanaagsan
ku socdaan, ayna soo gebageboobi doonta isla maanta”.
Dolwadda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in aanay "aqoonsan doonin doorashada iyo natiijada ka soo baxda”.
Balse Guddoomiyaha guddiga doorashada
Jubbaland ayaa sheegay "in ay u shaqeeyaan sida uu dastuurka Soomaaliya qabo”.
Tallaabadan waxay imaaneysaa iyadoo beesha caalamka ay ku taliyaan in "dhinacyada is haya ay ka fogaadaan wax kastoo sababi kara qalalaaso”.
Dowladaha caawiya Soomaaliya ayaa ku
baaqay in doorashada ay noqoto mid ay dhinacyada oo dhan ka wada qeyb galaan.
Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo la hadlay Golaha Amniga ayaa sheegay "in ay sii wadayaan dhiiragelinta hal doorasho oo la isku waafaqsan yahay, iyadoo aysan dhicin halista sii kordheysa ee xasillooni darada ah haddii natiijada si adag loogu tartamo ”.
"Qaramada midoobey iyo beesha caalamka waxay cadaadiyeen in dhinacyada oo dhan ay isugu tanaasulaan hal jid oo ay ku heshiiyeen, balse hadda waxaa wax laga xumado ah in waqtiga uu aad u yaryahay”, ayuu yiri Swan.
BBC