Sidee Ayay Ku Timid In Ururada Siyaasadeed Ee Somaliland Tobankii Sano Hal Mar La Furaa ?
Somaliland markii ay u guurtay nidaamka xisbiyada badan ee dastuurka qaranka jamhuuriyadda Somaliland afti dadwayne 97% 31 may 2001 ,
ayaa
dalka waxa lagaga dhawaaqay urur siyaasadeed si la isugu habeeyo oo
loogu diyaargaroobo doorashooyin dimuqaradi ah oo looga baxo madaxdii
lagu soo dooranayey nidaamka shirbeeleedka waxaana la sameeyay Udub ,
Ucid , Sahan , Birsol , Hormood , Asad , ileys iyo Kulmiye oo ugu
dambeeyay .
Ururadaasi qaar way isku biir-biireen intii doorashadii dawladaha
hoose ee dhacday dabayaaqadii 2002 ka horaysay waxaana doorashadaasi ku
tartamay 6 lix urur siyaasadeed oo kala ahaa Udub , Ucid , Hormood ,
Sahan , Asad iyo Kulmiye , waxaa soo baxay xisbiyo siyaasadeed loo
aqoonsaday sadexdii xisbi ee ugu codka badnaa oo noqday Udub , Kulmiye
iyo Ucid ururadii hadhay iyo xildhibaanadoodii deegaanku waxa lagu kala
biiray sadexdaa xisbi qaran.
Horaantii sanadkii 2003 ayaa loo dareeray doorashadii Madaxweynaha
ee ugu horaysay ee dadwaynuhu codkooga cida ay rabaan ku soo saarayeen
waxaana ay dhacday April 2003 waxaana ku tartamay sadexda xisbi ee Udub,
Kulmiye iyo Ucid madaxdii u sharaxnayd oo ahaa Daahir Rayaale Kaahin ,
Ahmed Mohamed Mohamoud ( Siilaanyo ) iyo Faysal Cali Xuseen (
F.C.Waraabe ) waxaana helay doorashadii xisbigii Udub iyo murashaxiisii
Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin oo ahaa ku xigeenkiisa
mudo xileedkooguna yahay 5 sano , halka ku xigeen Kulmiye uu ugu
sharaxnaa Cabdiraxmaan Aw cali Faarax ( Laba-tole ) ucidna uu ahaa sida
aan filayo nin dhintay oo xildhibaan golaha wakiilada ahaa .
Sanadku markii uu ahaa 2005 waliba dabayaaqadiisii ayaa waxa dalka
jamhuuriyada Somaliland looga dareeray doorashada golaha wakiilada
Somaliland si ay dadweynaha reer Somaliland markii ugu horaysay codkooga
ugu soo doortaan wakiilo dadwayne oo gala golaha xeerdejinta Somaliland
oo ay iyagu gacantooda ku doorteen mudo xileedkooguna yahay 5 sanadood.
Waxa aan dalka ka dhicin oo mudo kordhin lagu sameeyay
doorashooyinkii goleyaasha Deegaanka oo ay ahayd in ay dhacaan sanadkii
2007 , sidaasi oo kale waxa aan dalka ka dhicin doorashadii madaxtooyada
Somaliland oo mudaysnayd 2008 oo iyadana mudo kordhin lagu sameeyay hal
sano ah si ay u dhacdo 2009.
Haddaba marka halkaa la Isla marayo ayaa waxaa is abaabulay
siyaasiyiin ku qanci waayey sadexda xisbi qaran una arkay in sharcigu
ogol yahay in ururo siyaasadeed dalka laga furan karo , iyaga oo ku
doodayey in la qanciyo oo lala eego shuruucda dalka, sida Xeer 14 oo
intaasi oo meelood ururka/xisbiga qoraya taasina cadayn u tahay in ururo
iyo axsaabi tartamayaan iyo waliba sida uu dhigayo dastuurka
jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 23aad faqradiisa 3 aad oo si cad u
cadaynaysa in muwaadiniintu isku habayn karaan ururo siyaasadeed ,
waxaanay ku dhawaaqeen urur siyaasadeedkii Qaran.
Xukuumadii xiligaa joogtay ee Udub doodna way la furi kari wayday oo
sharciga way ku qancin kari wayday wax kale oo ay ku hor istaagi
kartana way garan wayday dabadeedna maalin ay dadkii taageersanaa la
balameen in ay meel fagaare ah kala hadlaan ayaa la xidhxidhay iyada oo
eedo la dhoobdhoobay oo is abaabul iyo wax noocaas ah loo sameeyay
laguna xukumay.
Khilaaf komishanka doorashooyinka ah iyo in doorashada diwaan galin
dadwayne la sameeyo oo lagu galo iyo waliba jiitano iyo iskhilaaf
doorasho oo dhawr goor mudadooda la kordhiyey oo dalka khalkhal galiyey
ka dib waxa soo dhex gashay beesha caalamka markii ay doorashooyinkii
dhici waayeen la iskuna tanaasuli waayey waxaana axsaabta qaranka ku
heshiiyeen in doorashada madaxtooyada la soo horeysiiyo komishan
doorasho oo cusub la dhiso si doorashooyin dalka uga dhacaan.
Waxa iyagana la soo daayey siyaasiyiintii urur siyaasadeedka Qaran
oo sokeeyahooga ugu dhow uu noqday xisbiga Kulmiye si ay u ridaan
xukuumadii Udub oo dalka dhinacwalba la hadhay marka dareenkii iyo
qiimeyntii xiligaa taagnayd runta laga sheego , waxaana ay kula
heshiiyeen in marka Kulmiye talada dalka qabto waxii gar ah ee sharcigu
siiyo loo yeelo oo ururada siyaasada la furo oo ah albaab ay
muwaadiniinta raba hogaaminta talada ka soo galaan.
Sanadkii 2010 kii bishii June 26 keedii ayaa waxa dalka jamhuuriyada
Somaliland laga qabtay doorashadii labaad ee Madaxwayne shacabku
gacantiisa ku soo doorto , waxaana ku tartamay sadexdii xisbi ee Udub,
Ucid iyo Kulmiye oo ay madaxwayne u ordayeen isla sadexdii murashax ee
doorashadii madaxtooyada ee 2003 dii oo kala ahaa Rayaale , Siilaanyo
iyo Faysal halka ay ku xigeenadoodu kala ahaayeen Udub Axmed Yuusuf
Yaasiin , Kulmiye Cabdiraxmaan Saylici iyo Ucid oo Alle ha u naxariisto e
uu ka sharaxnaa Dr Mohamed Rashiid Sh hassan .
Waxaa ku guulaystay xisbigii ugu xooga weynaa mucaaradka oo ahaa
Kulmiye waxaana Madaxwayne iyo Ku xigeen noqday Siilaanyo iyo Saylici ,
waxaa ay kursiga la wareegeen oo la dhaariyey 27 July 2010 , waxaa ay
xili yididiilo iyo rajooyin isbadel oo badan ay qabeen dadka reer
Somaliland maadaama ay ahayd markii ugu horaysay ee xisbigii mucaaradka
ahaa ka guulaystay xisbigii muxaafidka ahaa intii loo guuray nidaamka
dimuqaradiga ah.
Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa uu sameeyay gudi uu u saaray ka soo
talo bixinta furista ururada siyaasada oo aqoonyahanka iyo waxgaradka
dalka ee gobol walba talo bixin iyo rabitaanka bulshada soo eegta kuna
soo celisa war bixin lagu go'aan qaato , ka aragtidayda ahaan waxa ay
iila muuqatay in uu qancinayey xisbigiisa Kulmiye oo intooda badani
aanay raali ka aheyn in ururada la furo , laakiin Siilaanyo waxa uu
ahaa shaqsi macquul ah oo marwalba jeclaa dimuqaradiyada iyo rabitaanka
bulshada.
Gudidii markii ay warbixintii soo celisay ayaa Madaxwayne Axmed
Siilaanyo warqad u qoray wax lagaga badalayo xeerkii doorashada oo si
cad loogu qeexayo in 10 kii sanoba hal mar la furo ururada siyaasada
Somaliland iyaga oo tartan la gali doona sadexda xisbi qaran ee sii
jiray , natiijada tartankaa ka soo baxda ayaa sadexda ugu sareeya uun ay
noqon doonaan sadexda xisbi qaran oo 10ka sanadood.
Dood dheer oo golaha wakiilada Somaliland kaga doodeen xeerka
doorashada ee kaabida iyo wax ka badelka lagu sameynayo ayaa waxa loo
codeeyay in kaabidaa iyo wax ka badelkaasi sax yihiin oo sidaa lagu
ansixiyey Madaxwayne Siilaanyo na saxeexay oo uu xeerkaasi ku dhaqan
galay.
Waxaana muwaadiniinta reer Somaliland isku abaabuleen ururo
siyaasadeed oo la tartama sadexdii Xisbi qaran ee Udub , Kulmiye iyo
Ucid , ururadaasi waxa ka mid ahaa Xaqsoor , Dalsan , Udhis Waddani ,
Rays , Jamhuuriga , Nuur , umadda , Nasiye , Gurmad NDP , Badbaado ,
Damal .
Doorashadii goleyaasha Deegaanka ee dhacday sanadkii 2012kii ayaa ay
ka qayb galeen ururadii iyaga oo la tartamay axsaabtii hore u jirtay oo
uu ka maqan yahay xisbigii Udub oo khilaaf iyo isqabsi soo kala dhex
galay hogaankii xisbiga u burburay, sidaasi oo kale dhawr urur ayaa
iyaguna aan galin oo ku hadhay qiimayntii; waxaana ay kala ahaayeen Nuur
, Jamhuuriga , Udhis , Gurmad , NDP , Badbaado , Damal iyo Nasiye oo
isagu tartanka uun ka hadhay waxaana tartamay Kulmiye , Ucid oo
axsaabtii ah iyo Xaqsoor, Dalsan, Waddani, Umada , iyo Rays .
Waxaana tartankaa sadexdii ugu sareeyay loo aqoonsaday sadexda xisbi
qaran ee 10 ka sanadood oo ka bilaabmayey 2012 , sadexda xisbi qarana
waxa ay kala yihiin Kulmiye , Waddani iyo Ucid.
Haddaba waxa isweydiin leh maadaama oo cimrigii axsaabta uu ka
hadhsan yahay laba sano iyo bilo oo loo baahan yahay in ururadii
siyaasadeed la furo , doorashada la furayaana ay tahay doorasho gole
deegaan oo aanay isku beegmayn mudo xisbiyeedkii sadexda xisbi qaran oo
2022 ga ah , miyaanay haboonayn in doorashada ugu horeysa ee gole
deegaan dhacaysa in la furo , hadii ay dhacdo sanadka 2020 amaba 2021 ?
Mohamed Abdi Jama
Mob: +252634241005
Facebook: Muhamed Dhimbiil
Twitter: @dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...