Xil. Janalaha Burco Ee Borama U Taariikho Tirsanayow Awdal Waxa Ay Gobol Iyo Maamul Noqotay Somaliland & Somalia Oo Magac Iyo Maamul Ahaan Midna Aan Jirin
Wey dhaci kartaa in lagu khaldey ama Xisaab rasadeedu khaldantahay aad ka rarato meel iimeysan oo dhex iyo dhexdhexaadnimada ka fog Xil. Cabdirisaaq janaalow, waxa se aan jeclaystay in aan ku saxo adiga iyo inta kula fikir ka ah iyo bulshada xaruurta ah ee aad qaladeen; sixitaankan aan idin saxayo iyo qoddobadan aan tirin doono waxa aan dhamaantood u daliishanayaa Xoggo rasmi ah oo ku Qoran sooyaalka taariikhda gaar ahaan ( 4 Book ) oo ay qoreen qaar ka mid ah madaxdii gumeystaha ingiriiska, aqoonyahno, taariikh baadhayaal iyo raad-raacayaal madax banaan oo dhamaantood ajaanib ; kuwaasi oo dhamaantood qiraya oo ku daraya tirsiga taariikhda afrika sida tan:-
1.)AWDAL oo sidatay Magaca ADAL ay aheyd Gobol iyo Maamul Caasimad ah oo ka mid ah 5tii Maamul goboleed ee hoos iman jiray Boqor tooyadii ADAL; iyada oo Maamulku ka curtay 1250, Awdal / ADAL ay noqotay Gobol iyo Caasimada Boqortooyada horaantii Qarnigii 13aad , Xilligaasi oo aaney jirin Somaliland & Somalia, iskaba dhaaf maamul kale iyo degmo iyo Goboltoona, oo waliba Xilligaa Djabuuti iyo Berbera looga talin jiray Gobolka ADAL ee Caasimadiisu aheyd Saylac; waxa kale oo ay Caasimad u aheyd 5tii Dawlad-goboleed ee hoos iman jiray Maamulka ADAL ; 5taasi waa 5ta uu gumeystuhu uga xisaab qaadey in soomaalida 5 loo qaybiyo mar kalena waa 5tii AL-baab ee Caasimada Saylac ay lahaan jirtay.
1a) Awdal- Saylac ah waa albaabkii ingiriisku Somaliland ka soogaley 1854 iyada oo waliba awdal aaney luminin gobolnimadeedii laga soo bilaabo horaantii Qarnigii 13aad illaa imaatinkii ingiriiska; waxa kale oo ay aheyd Caasimadii u horeysay ee ingiriisku Somaliland ka xukumo 14 kii sanno ee u horeyey illeyn ma jirin meel kale oo macno la sheego la hayd oo magaalo ah , maamul iyo nidaamna waliba ka dhisanyahay imaatinkii ingiriiska hortii, xataa magaca Somaliland ma jirin.
1b) illaaladii ingiriisku waxa ay lumisay Gobolnimadii AWDAL ee soo taxneyd illaa Qarnigii 13aad illa 1919 Xilligii uu rasmi u bilaabmay in Dagaal lagu qaado sayid Maxamed Cabdale xasan; isla Xilligaasi ay Awdal gobolnimadeedu baabaday ayaa waxa dhalatay in Somaliland loo qaybiyo 2 gobol Gobol Nabadeed oo Caasimadiisu tahay Berbera oo ingiriiska iyo ciidankiisu ka soo duulayeen iyo Gobol Collaadeed Caasimadiisu tahay Burco oo sayidka iyo ciidankiisu ka ag dhawaayeen; 1919 AWDAL waxa kale oo ay lumisay xataa caasimadii Saylac oo ingiriisku waxa uu doortay in uu degmada Borama xarunta uga dhigo Reer Awdal oo Gobolnimadii iyo Caasimadinimdii Saylac ee Somaliland shax-badal ku sameeyey isaga oo ku raad-gadanaya Dagaalkii Sayidka ee sabankaa oogtiisu shidneyd.
2. Awdal waa hoyga Dawladuhu ku dhismaan ama looga Caro Qaado, 1 ) waxa horey loogu soo dhisay Boqortooyadii Somaalida ee ADAL ee ka talin jirtay badi dhulka soomaalida iyo Oromadu maanta Degto ,2) Awdal waxa kale oo lagu dhisay Dawlada Somaliland ee maanta shaqeynaysa oo qabta awdal barakadeedii ; Islaamku Dawladii u horeysay ee Rasuulku SCW uu hogaaminaayey ma yeelan illaa Awdal Diintu soo Caga dhigtay Mooyee; laakiin dhulka Awdal sabankaa Ethiopia ayey ka tirsaneyd.
3. Awdal waa hoygii Hadh-galiyey Asxaabtii Rasuulka hijradii kowaad iyo labaad ee intaba uu hogaaminaayey Jacfar bin abii Daalib ee waliba Wiil ugu dhashay awdal oo Ethiopia ah saban kaasi, dhacdadaasi waxa daliil u ah (Masjid Al-Qiblateyn Saylac ) Magaalada madiina mooyee meelkale oo geeska afrika ah raadkaa Awdal mooyee laga helayna aaney jirin, markale waa albaabkii diinta islaamku ka soo galey geeska afrika, mar saddexaad Awdal waa Xaruntii Cilmiga loo doonan jiray Somaliland sabbankii ingiriisku tallada haystay iyo dabadeed ba .
4. Awdal waa hoyga dhalashada iyo barbaarinta Mujaahidiinta Afrikada bari, Qaarada afrika ee heer caalami ah, Mujaahidiintaasi oo yoolkoodu ahaa Diin , Maamul iyo Ardaa fidin intaba ayaa waxa ugu caansanaa ( Mujaahid Siciid Daauud Cali Cumar iyo Wiilka uu Awoowga u ahaa Mujaahid Axmed Ibraahim Geesaale ( Axmed Gurey) dhamaantood Raxmatullaahi Caleyhim; iyada oo uu Mujaahid Siciid Daauud Cali taariikh ahaan ku suntanyahay ninka soomaali dhul inta ay degto ee geeska afrika in uu yahay mujaahidka u xoreeyey ee soomaalida dhulka u qabtay, Halka Mujaahid axmed Gureyna yahay Ninka taariikh ahaan iyo jiritaan ummad ahaanba ( Magaca soomaaliba ) lagu bartay, taa macnaheeduna yahay waa Mujaahidka bixiyey eray bixinta ( Soomaali ) ; markale Mujaahidiintii SNM ee Somaliland badan kooda gaar ahaan intii u magac weyneyd Ma jiro nin guuleystay illaa ay gacan weyn ku laheyd mooyaan tusaale ( Mujaahid ahna Madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland ahna mujaahidkii wakhtiga guushu dhalatey taariikh nololeedkiisa shaqo Borama Awdal ayey ka bilaabantaa isla Borama Awdal ayey ku dhamaataa!!!).
5. Awdal/ ADAL Waa hoga Madaxnimda , Tallada soomaalida ka hor gumeystaha ingiriiska ee horaantii Qarnigii 18aad balse ka soo bilaabmeysa Badhtamaha Qarnigii 1250 aad waayo waxa ay Xarun u aheyd madaxdii ruuxiga aheyd ee ( Faadumiyiinta Dir) kuwaasi oo wadartoodu gaadheyso 38 Ugaas ; UGAASYADAASI oo Xilligoodii ay tiro yareyd Isirka Somali ba Cid laheyd Hogaan Ummadeed iyo Nidaam Dawliya oo shaqeynaaya; kuwaasi oo marka la doorto bil kadib wadanka Masar loo qaadi jiray si uu shirar iyo Duco ulla soo yeesho madaxda masar ka arimisa; Madaxnimada aan sheegayo waxa Daliil u ah ( MAP ) ka Gobolka AWDAL ee KUR ama Madax Qof binu aadam ah ku Sir Xardhay Illaaladii ingiriisku; u fiirso oo si fiican u Bogo mapka sawirka Awdal , ma’aha mapka somalilandtu sameyso balse waa map ka u Qaramada midowbay iyo Hay’adaha caalamiga ah u diwaangashan.
Fiiro Gaar ah: Dhamaan 5taa qoddob ee aan ka soo Xullay taariikhda Awdal ee Badweynta ah, eray kasta oo halkan ku qoran ma’aha faan , Buun-Buunin, af-gobaadsi iyo hadalka ku qurxiso balse waa dhacdo iyo xog rasmi ahaan u diwaan gashan oo ay ku xa
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!