Wadahadalada Hubka Dhigista Casrigan. Q/2aad. Qalinkii Axmed Cali Kaahin.
Xoriyada iyo Sharafta waa la dhacsadaa lama baryo. haddii la codsado
way xumaataa. (Dulqaadku waa gobonimo u baahan in geesinimo lagu
ilaaliyo) Hadaanad u dagaalamin waxaad doonayso ha u ooyin mar kaad
lumiso.odhaah ingiriisiya.
Wakhtigii gumaysiga. Odayaashii waa
laga dhaqaajin waayay, doonistoodii iyo qodobadii ay siteen. wayna
hirgaliyee, waana dhaxal ilaa maanta. Markii gumaystihii xooga ahaa
waddahadalo jilbaha is dareen. Ilaa gabadha cadaanki kuma dhali karto
waddankayaga laga saxeexay, hirgashayna.
Saamayntii gumaystaha
shaandhay bulshada uga dhigeen, ay ku kala miiraan wixii bulshada
dhaxal keeda dhaawacaaya. Diinta iyo qaabka nololeed ay qabatimeen oo
mid kale ka ilaaliyeen in kooda liin bixiyo.
Halka Halgankii
SNM ayna waligood wadda hadal la galin Dawladii kali taliska ahayd wax
aan ka ahayn sidii dulmigiisa loogu bir dhigi lahaa. Iyagoo SNM wax
badan ku kala aragti duwanaa. Haddan in la hor fadhiisto ninkasi waxay
ahayd khad cas oo aan laga talaabi karin marna.SNM oo dhamina ka
midaysnayeen.
Halka uu nidaamkaasi in badana isku dayay wadda hadal marka dambe kood gaara uu dhinac ula baxo, in uu cid uu la hadlo uun helo, balse hal qof oo qiime lihi waligii Siyaad bare lama kulmin isaga iyo maamulkaa shacabkooda dulmiyay.
Sida uu Yuusuf Cabdi Gaboobe qoraal ku xusay taasi waxa ka dhashay in uu gacmaha hoorsado Migistihii Itoobiya ka talinayay in hawsha SNM. Uu kala hadlo oo si uun looga furdaamiyo warankan halistee ku taagan xumaantiisuna abuurtay. Taasi oo waji gabaxii ugu waynaa ee Siyaad bare ku dhacay noqday taariikhd intaanu dhiman.
Balse SNM waxay kaga jawaabtay kaarto kamida kuwa dunida loo diwaan galiayay mid ka mida taatikada ciidamada dunida isticmaalaan kuwa ugu cajiibsan. In ay qaateen go’aan ah in dalka gudaha loo lagalo.
Taasi
oo aakhirkii afka dhulka u dartay baadil waddayashii iyo daba
dhiliftoodii. dunidana qaxoonti iyo darwasi ilaa maata ku nool kuwii
shacabkooda dulmiyay. Sharaftiina iska qaaday umadoodana ka qaaday waxay
ahaayeen koox isku urursatay xumaanta oo magac qabiil dabada galiyay,
ummadana xumaan aan dhamaan dhex dhigay ilaa maanta.
Waddada diblomaasiyadeed ee ku waajahan Somalia waxa bud dhig u ahaa in teed adag la iskaga moosay kaasi oo ilaa Halgankii taxnaa Saddexdii dawladood ee horana ka sinaayeen. Siyaasada (I’inyadii) ama diidmadii kaarto fiican bay ahayd hadda waxa socda marka la eego.
In aan miiska marna lala fadhiisan. Hogaamiye kooxeedyada siyaadad hir
gashay iskuna dayeen madax kala duwan oo dunida ah sida. Qadaafi iyo
Saalixii Yaman. balse Fagadhe oo Arrimaha Dibada u joogay Cigaal si cad
buu gaashaanka ugu daruuray. Mashruucaasi khatarta hadoodilana. markii
diirada saadaasha ku odoroseen. Jawaabtii diidmadeenii waa tii xoolaheenii la xidhay. Kuwii uunbaa soo rogaal celiyay iyagoo wajiyo kale leh.
SSDF tii Claahi Yuusuf horjoogaha ka ahaa. waa tii in la isku daro
miiska la soo saaray SNM iyo SSDF. iyadoo dawlado lacag iyo talo ku
badhitaarayaan isku dayeen. balse dabinkaa SNM si cad oo aan gabasho
lahayn.
Iyadoo awoodeeda iyo taagteeda daqaale iyo cududeeduba liidato, dhag jalaq loo siin waayeen. ilaa tusaalooyin hawlgalo ah oo awooda lagu muujinayo. indhihii dalwdaha loogu soo jeediyay. Halkaana ixtiraamkii ugu bilaabmay…..Haddi Rabbi Swt. Idmo Q/3aad baa xiga. Qalinkii: Axmed Cali Kaahin
HA HILMAAMIN XUSKA RABI.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!