Kenya Oo Jabuuti Kaga Guulaysatay Kursigii Golaha Amaanka Iyo Tirada Codadka Ay Kala Heleen

0
Thursday August 22, 2019 - 00:40:53 in News by
  • Visits: 3323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo Jabuuti Kaga Guulaysatay Kursigii Golaha Amaanka Iyo Tirada Codadka Ay Kala Heleen

    Kenya Oo Jabuuti Kaga Guulaysatay Kursigii Golaha Amaanka Iyo Tirada Codadka Ay Kala Heleen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya Oo Jabuuti Kaga Guulaysatay Kursigii Golaha Amaanka Iyo Tirada Codadka Ay Kala Heleen


Nairobi(HWN):-Dawladda Kenya ayaa dalka Jabuuti kaga guulaysatay loolan ku dhexmaray Midawga Afrika. Fadhi Midawga Afrika saaka ku yeeshay magaalada Addis Ababa oo labadan dal ugu loolamayeen kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayay ku guulaysatay Kenya.

Image result for Kenya iyo jabuuti


Kenya ayaa heshay codka 37 dal halka ay Jabuuti ka heshay 13 cod iyada oo ay kulanka joogeen 51 dal oo ka mid ah 55 dal ee xubnaha ka ah Midawga Afrika.


Tallaabadan ayaa Kenya ka dhigaysa in ay tahay dalka Afrika ku metelaya in uu qabto kursiga Golaha Ammaanka 2021-2022 kaas oo bisha June ee sanadka dambe magaalada New York lagu qaban doono codka ay Qaramada Midoobay u qaaddo.


Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Dr Monica Juma ayaa sheegtay in guushani wax ku ool u tahay Kenya waxaanay u mahadcelisay dalalka Midawga Afrika.


Maxamed Idiris Faarax danjiraha Jabuuti u jooga Midawga Afrika ayaa sheegay in ay aqbaleen natiijada codaynta, islamarkaana bogaadinayaan Kenya.


Halkan Guji Si Aad U Sii Akhrisato

 


Loading...
Loading...