Hayada Shaqaalaha Gobolka Awdal Oo Xafiis Qalabaysan iyo Baabuur Lagu Wareejiyay.(Sawiro)
Munaasabada maanta xafiiskan lagu daahfuray oo ka dhacday xarunta Hayada Shaqaalaha ee Gobolka Awdal ayaa waxa goobjoog ka ahaa Isku duwayaasha laamaha dawlada ee Gobolka Awdal, oday dhaqameeyo, masuuliyiinta degmada, kuwa gobolka Awdal iyo hawlwadeenada Hayada Shaqaalaha ee heer gobol iyo heer qaran.
Isku-duwaha Hayada Shaqaalaha Somaliland ee gobolka Awdal Md. Axmed Nuur Muuse (Bili bili) oo halkaas ka haday ayaa ka maragacay isbedelka ay ku talaabsatay xafiiska hayada shaqaalaha ee gobolka Awdal waxana uu yidhi "Waxa aan aad ugu mahad naqayaa Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe oo isagu taariikhda markii u horaysay suura galiyay in uu gobolka Awdal yeesho, xafiis shaqeeya oo qalabaysan iyo gaadiid, taasina waxa ay ku tusaysaa hiigsiga Gudoomiye Farxaan ee salka ku haya sida ay uga go’an tahay in uu shaqalaha hayadiisa tayeeyo, anaguna waxa aan balan qaadaynaa in aan u adeegno kobcinta maskaxda iyo muruqa shaqaalaha gobolka Awdal meel walba oo ay joogaan”
Isku-duwaha Wasaarada Degaanka Daahir Axmed Qaloonbi iyo Isku-duwanaha Wasaarada Gaadiidka Kulmiye Maxamed Cismaan oo iyaguna halkaas ka halay ayaa tilmaamay in xafiiskan baahi wayn loo qabay, waxana ay sheegeen in isku duwayaadha Awdal oo ay afkooda ku hadlayeen ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Xafiiska iyo Hawlwaeenada hayada Shaqaalaha ee gobolka Awdal.
Qaaqil Muuse Ceelaabe Abaar "Garaadka” iyo Chief Caaqil Cismaan Xxx oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa xusay inay soo dhawaynayaan xafiiskan oo ay tilmaameen inuu astaan u yahay himilada Gudoomiyaha Hayada Shaqalaaha Somaliland, waxana ay ku dardaarmeen in adeega xafiiskan la daadajiyo, lana qaadhsiiyo degamooyinka iyo deegaanada kale ee gobolka Awdal.
Maayarka Magaalada Boorama Saleebaan Xasan Xadi oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in marwalba ay maamul-daadajintu farayso in ay hayada Shaqaalaha iyo Dawlada Hoose ka waa shaqeeyaaan dhinaca tayanta iyo la xisaabtanka shaqaalaha dawlada, waxana uu Maayar Saleebaan intan ku daray in ka dawlad hoose ahaan ay balan qaadayaan in ay bixiaan dhul gaar ah oo ay Hayada Shaaalaha ee Goboka Awdal ka dhisato Xafiis iyo xarun u gaar ah
Badhasaabka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali oo iyaguna hadalka qaatay ayaa Gudoomiye Farxaan ku amaanay kartidi shaqsiyeed, aqoon iyo muwaadin-nimo dheeeraad ah oo ay ka marag tahay sida uu u saara galiyay Xfiiskan ay hayada shaqalaha ee Awdal maanta furatay. Badhasaab Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale Shaqaalaha Laamaha Dawlada ee Awdal ku amray inay la shaqeeyay xafiiskan una diyaar garoobaan la xisaabtan dhab ah.
Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe oo madashan soo afmeeray ayaa tilmaamay in hawshan maanta qabsoontay ay qayb ka tahay waajibaadka hayada shaqaalaha ee Somaliland, waxana uu yidhi "Hayada Shaqaalaha Somaliland waxa ay ka muul tahay Human Resource-ka dalka, waa hayada udub dhaxaadka u ah, maamulka, tayanta, taabagalinta iyo xaqsiinta shaqaalaha dawlada Somaliland, marka ay sidaas tahayna waajib weeye, in shaqalahu goob kawsta oo soomaaliland ah, xaqiisa iyo xuquuqdiisa iyo xaqa uu dalku ku leeyahay ee laga doonayo la is waafajiyo oo meel loogu soo hagaagaa ay jirto, si hadaba taas loo hiigsado, culaykana looga dul qaado xafiiska caasimada, nimaam wanaagsan oo hufana loogu sameeyo goboladu qayb ayay ka tahay hiigsigayaga, waana alxamdulilaah in aan maanta Awdal ka bilawnay, waxa aan tagaynaa Berbera, Burco, Laascaanood, iyo Ceerigaabo, insha’aaah labada todobaad ee soo socota in ay hawshaas naga dhamaatana waan filaynaa”
Si kastaba ha ahaatee Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe, ayaa intii uu Boorama ku sugnaa waxa uu soo kormeeray qaar ka mid ah xarumaha dawlada ee gobolka Awdal eee adeegyada Bixiya, waxana uu u kuur galay shaqada ka socota, isaga oo markaas ku dardaaray in ay Hawlwadeenada Hayada Shaqaalaha ee Gobolka Awdal la shaqeeyaan.
Hadhwanaagnews
Boorama/Office.