Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Axsaab Sharciyad Aan Lahayn (Qaybtii79aad)Qore: Maxamed Xoosh

0
Wednesday August 21, 2019 - 10:49:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Axsaab Sharciyad Aan Lahayn (Qaybtii79aad)Qore: Maxamed Xoosh

    Aniga oo ah muwaadin reer Somaliland ah waxa ii muuqda oo hayaa in ka badan 100 mushkiladood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aniga oo ah muwaadin reer Somaliland ah waxa ii muuqda oo hayaa in ka badan 100 mushkiladood
oo ay leeyihiin Xukuumadahii tegay iyo kuwa jooga iyo weliba kuwa soo socda ee aan la dooran maxaan uga jeeda ?

Axsaabta Somaliland ka jirtaa waxay isku dayayaan in dadweynaha taageeraa had iyo goor si caadifad iyo laab la kac u abaabulmaan oo meesha laga saraaro in si caqli ah loo fahamsiiyo waxa ka jira dalka !



Xukuumaddu sharciyad ku heli mayso waa la I doortay oo sanduuq ayaan kursiga ku fadhiyaa oo keliya
Waxa jira shaqo loo doortay xukuumadda hadii shaqadii loo doortay ka soo bixi weydo sharciyadii wey ka dhacday oo waxay isku mid noqonayaan golayaasha 15 ku dhawaad fadhiya kuraasta barlamaanka iyo guurtida


Sadexda xisbi qaran ee dalka ka jiraa inay KACEEN oo mufaliseen waxa ka markhaati ah weli maynaan arag haba yaraatee kaadir ka mid ah xisbiyadda jira oo muxaadaro laba saacadood ah jeediyay kaga waramayo xaga loo socdo iyo waxay damacsan yihiin isagoo raacinaaya god daloolada Xukuumada Muuse Biixi oo cilmiyaysan


28 sano ee dalku xornimadiisa la soo noqday shacabku wuu hormaray dhinacyo badan, dawlada wey gaabisay duruufo badan oo jira iyo iyadoo lugta la hayo waxaase meesha ku lumay shakhsiyadii qofka Somalilander-ka ahaa oo ku soo koobantay ADIGU WAXAAD TAHAY WAXAY REERKIINU YIHIIN taasi waxay keentay raadka maanta la hayo


Arinkaasi waxay keensaady in Somalida ka ugu liita inuu noqdo ka waxbarashada lagu tuhmaayo lama yaabo Engineerku farsamadaa uu bartay mooyee, arimihii kale waxaa ku dhaamma muwaadinka caadiga ah waa "farsamo yaqaan casriya ”


Sidoo kale Diktoorku dawaynta qofka xanuusanaya mooyee arimihii siyaasadda iyo bulshada muxuu ka ogyahay "Dabiibkii dhaqanka oo shahaadad sita” Inanka dhalinyarta ah ee markaa jaamacada ka soo baxay in culays la saaro ayaa dhib kale ah

La Soco

Alle Mahad Leh


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...