Komishanka Maamul Wanaaga Oo Tababar Usoo Xidhay Isku Duwayaasha Wasaaradaha Gobolka Awdal. SAWIRO

0
Tuesday August 20, 2019 - 20:43:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Komishanka Maamul Wanaaga Oo Tababar Usoo Xidhay Isku Duwayaasha Wasaaradaha Gobolka Awdal. SAWIRO

    Boorama (HWN) Gudoomiye Ku Xigeenka Komishanka Maamul Wanaaga Liibaan Ismaaciil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boorama (HWN) Gudoomiye Ku Xigeenka Komishanka Maamul Wanaaga Liibaan Ismaaciil
Cabdilaahi ayaa Tobabar lagu baranayay habraaca Maamul wanaaga, kaydinta xogta, hanaanka wada xidhiidhka iyo hab maamulka xafiisyada u soo af- meeray isu- duwayaasha wasaaradaha gobalka Awdal.



Liibaan Ismaaciil oo sharaxay ujeedada tababarkan ayaa yidhi " Ujeedada tobabarkan ayaa ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa tayada shaqada iyo xafiisyada ay masuulka ka yihiin isu- duwayaashu. Talaabooyinkan ayaanu Komishanka Maamul wanaagu ugu tallo galay in la wada gaadhsiiyo heer qaran ilaa mid gobal”.


Liibaan oo hadalka siiwata ayaa intaasi raciyay  "Waxa iyaduna ku xigi doona sida qorshuhu yahay gobalada kale ee dalka taas oo ay barbar socon doonaan Wasaaradaha iyo Hay'addaha madax banaan. Tobabaradan ayaanu hore ugu samaynay Wasaaradaha Maalgashiga iyo Xidhiidhka golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka. Tobabarka ayaanu rajaynayaa in uu wax badan ka badali doono hawlaha shaqo ee ay masuulka ka yihiin isu-duwayaasha gobalka Awdal” ayuu yidhi.


Loading...
Loading...