Dawlada Soomaaliya Kursiga Golaha Amaanka Midkee Ayey Ku Taageeraysaa Jabuuti Iyo Kenya?

0
Tuesday August 20, 2019 - 17:21:38 in News by
  • Visits: 2239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Kursiga Golaha Amaanka Midkee Ayey Ku Taageeraysaa Jabuuti Iyo Kenya?

    Dawlada Soomaaliya Kursiga Golaha Amaanka Midkee Ayey Ku Taageeraysaa Jabuuti Iyo Kenya?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Kursiga Golaha Amaanka Midkee Ayey Ku Taageeraysaa Jabuuti Iyo Kenya?


Muqdisho(HWN):-Dawlada soomaaliya aayaa si toos ah ula safatay wadanka jabuuti oo tartan ka dhaxeeya dalka Kenya.


Wadamada Jabuuti yo Kenya ayaa tartan adag ugu jira kursi ka mid ah golaha amaanka ee qaramada midoobay, waxaanay dedaal ugu jiraan sidii ay wadamada Afrika uga heli lahaayeen taageero balaadhan.

Image result for farmaajo ismaaciil cumar geelle iyo kenyatta


Dawlada Jabuuti ayaa si toos ah u cadaysay inay filinayso taageero ay ka hesho dawlada soomaaliya si ay ugu guulaysato kursiga golaha amaanka ee qaramada midoobay oo ay ku tartamayaan dalka Kenya.


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa haatan socdaal ku jooga wadanka jabuuti, isaga oo maantana kulan la qaatay dhigiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadleen xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal, iskaashiga wadamada bada cas iyo qodobo kale oo muhiim ah.


Wasiirka arimaha dibada jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo ka hadlay markii uu soo dhamaaday kulanka labada madaxweyne ayaa sheegay inay dawlada soomaaliya ka sugaan taageero ay ka helaan si ay ugu guulaystaan kursiga golaha amaanka ee qaramada midoobay.


Wasiirka arimaha dibada jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa waxa uu yidhi "Jabuuti waxay tartan ugu jirtaa sidii ay xubin uga noqon lahayd golaha amaanka ee qaramada midoobay, gargaarka walaalaheena soomaaliyana waan sugaynaa waana mid aan isku halaynayno oo aan su,aalba ka oolin, gargaarna maahee inaanu wada shaqayno, waanan ku faraxsanahay socdaalka uu madaxweyne Farmaajo ku yimid jabuuti.”


Dawlada soomaaliya ayaa go’aankan qaadanaysa wakhti uu khilaaf xoogani u dhaxeeyo dalka Kenya oo ay isku khilaafsan yihiin xuduuda bada ee ay wadaagaan, taas oo ay ka garnaqayso maxkamada cadaalada aduunku.

Loading...
Loading...