Dawlada Kenya Oo War Ka Soo Saartay Doorashada Jubboland, Digniina U Dirtay Beesha Caalamka
Nairobi(HWN):-Dawlada Kenya ayaa war ka soo saartay doorashada muranku hadheeyey ee madaxtinimada maamulka Jubboland ee soomaaliya.
War ka soo baxay wasaarada arimaha dibada ee Kenya ayaa lagu jeediyey digniin loo diray beesha caalamka oo ku saabsan inaan la carqaladayn doorashada madaxtinimada maamulka Jubboland.
Qoraal kasoo baxayWasaaradda Arrimaha Dibbada dowlada Kenya oo loo dirayKaaliyaha Xoghayaha Qaramada Midoobey ee Arrimaha Siyaasaddaayaa lagu sheegay in qoraalada kasoo baxa Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swam aysan u dhameyn wakiilada beesha Caalamka ee Soomaaliya.
Wasaarada arimaha dibadda Kenya qoraalka ay soo saartay ayaa lagu taageeray Guddiga madaxa banaan ee doorsahooyinka Jubbaland, waxa ayna Wasaarada sheegtay in guddiga u hogaansameyn dalabyo dhowr ah oo ka yimid beesha Caalamka.
Qoraalka Kenya kasoo baxay ayaa lagu sheegayin dalalka ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya aan laga qeybgelin talada beesha caalamka marka laga reebo dalka Itoobiya oo safaaradeeda nuqul kamid ah loo diray.
Dowlada Kenya ayaa ugu baaqdayQaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka inay kala shaqeeyaan dowladda Federaalka inay ku taageeraan Guddiga Doorashada Jubbaland sidii hannaanka doorasho loogu dhameyn lahaa waqtigii loogu tala galay.
Qoraalkan kasoo baxay dowlada Kenya ayaa u muuqda mid lagu taageerayo doorashada mugdiga ku jiro ee ka socota Jubbaland, waxaan Kenya garab istaag iyo taageero buuxa u muujisay Axmed Madoobe oo dano badan ka dhaxeeyo.
![]() |
![]() |


0 







