Khudbad jeedinta musharixiinta xilka madaxweynaha Jubbaland oo socto

0
Tuesday August 20, 2019 - 14:01:12 in News by
  • Visits: 1926
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khudbad jeedinta musharixiinta xilka madaxweynaha Jubbaland oo socto

    Khudbad jeedinta musharixiinta xilka madaxweynaha Jubbaland oo socto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khudbad jeedinta musharixiinta xilka madaxweynaha Jubbaland oo socto



Muqdisho(HWN)Magaalada Kismaayo hool loo calaamadiyay in ay ka dhacdo doorashada waxaa xiligan ka soconaya khudbad jeedinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Jubbaland.



 

Ilaa Afar musharax ayaa isugu soo haray in u tartamaan xilka madaxweynaha kaddib markii 6dii musharax ee xilkan isku soo taagtay labo ka mid ah ay maanta tanaasuleen.


Musharixiinta maanta hadal jeedintooda la dhageysanayo waxaa ka mid ah Canab Maxamed Daahir oo noqoneysa haweeneydii ugu horeysay isku soo taagtay qabashada xilka ugu sareeya hoggaanka [Madaxweyne] mid ka mid ah dowlad gobolleedyada dalka.


Waxaa sidoo kale ka mid ah musharixiinta madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]oo mar kale doonaya in loo doorto xilka ayaa ka hadlaya haddii uu guuleysto waxa uu qaban doono, waxaana uu balanqaaday in 18 bilood gudahood uu ku xoreyn doono deegaanada ka maqan gacanta Jubbaland.


Waxaa uu ka hadlay arrimaha dib u heshiisiinta, daadajinta maamulka, dhismaha dowladaha hoose iyo adeegyada aas aasiga u ah bulshada.


Doorashada Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in ay dhacdo maalinta Khamiista ee soo socota oo ku beegan 22 bisha Agosto.



Loading...
Loading...