Hal-abuur Qoraa Xamse Riiraash Iyo Maansadiisii Billicdii Hargaysa.
Baladkan hargaysoo,
billicdiisu wayntahaan,
idin yara bayaaminee,
baydadkaygan ila dhuggo.
Buurtan gacan libaaxiyo,
adnaada barteediyo
ilaa iyo birjeexaas
Bal sidaa U daymoo,
meesha aadan baradhiyo,
Barxadaa staaree,
ay boodh u dhowiyo, ,
Bundadaa xawaadliyo,
Idaacada baxaysana,
Bal xaggeeda sii eeg,
Xaafadaa kood buuriyo,
Biriijkaa jig jiga yariyo ,
Stadium baahsanee,
baaxadiisiyo weyntiyo
Bartankaasi qudhac dheeriyo ,
Biyaha qul qulayana,
Bal sidaa usii dhuux.
Xadaaradii bislaatoo ,
Baryo hore jireysiyo ,
Bunuudiyo hunuudii,
Bildhinkii dhisaayeen ,
Baaqigoodii sii arag.
Culimadii burhaantiyo ,
Balaaqada Ku dheeraa ,
Dirir Iyo bahdiisuna .
Meeshanay kasoo baxeen.
Balaayadu siday tahay ,
Hargaysaay Ka Bari noqo
Salaam
Hamse Riraash
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!