Mudane Madaxweyne Waad Asiibtay Magacabista Hogaanka Gobolka Sool
Mudane muuse miixi cabdi gudoomiyaha cusub ee gobolka sool Abdiqani Maxamud Jiidhe Carab waxa
gobolka laga dareemayaa xasilooni siyasadeed iyo mid nabadgalyo
Wax garadka dhalinyarad iyo aqoon yahanka sool waxay si wada jira usoo dhaweyeen una u mahadnaqeen gudomiyaha gobolka sool kaasi oo ah nin dhalinyaro ah oo gobolka ku dhashay kuna barbaray oo bulshada gobolka sool ka warhayey baahiyaheeda oo uu tan iyo dhalinyarnimadiisii uu ku dhex jiray ururada kala duwan ee ka shaqeeya xaladaha gobolka
Mudane madaxweyne reer sool way ku diirsadeen gudoomiyaha cusub waxanu kaga duwan yahay gudomiyayashii hore waxa uu ku sifaysan yahay nin bulshada ku dhex jira oo xalad walba iyo wakhti walba oo loo bahdo la heli karo mudo yar gudohood waxa uu ka hirgaliyey gobolka horumar baladhan oo dhinacwalba leh waxana ka mid ah :
1) Isku xidhka haydaha kala duwan ee gobolka iyo kor u
qaadida wada shaqaynta hayadaha ka hawl gala gobolka oo mudadas uu jogay aad ka
arkayso inay si joogta ah u dardar galiyaan hawlha shaqo iyo isku xidhnanta
isuduwayasha gobolka
2) Amniga waxa gobolka ka jiray oo soo noqnoqday xasiloni daro ka dhalan jirtay dagaal bileedyo u dhexeya dad walaalo ah gudomiyuhu waxa uu marwalba uu awooda saraa xal u helida amniga isagoo aad modo inuu dhibirsanan iyo wayeelnimo u adeegsado waxana lagu xasuusan karaa magihii uu lagu kala qaatay gobolka oo uu qayb laxaad leh ka qaatay
3) Cafimaadka adeegyada cafimaadka oo laga dareemayo in kor u kac baladhani ku yimid ku dhawaad 40dagmo oo ka tirsan gobolka ayaa manta haysta adeegyo aanay hore u heli jirin oo maanta wasarada waxbarashada iyo hayadaha ku shaqada leh ay ka hawl galaan
4) Dhinaca ganacsiga marwalba oo la helo amni
waxa sare u kaca dhinaca ganacsiga iyo aminaada lagu aamino hantida meel nabad
ah tan iyo inti uu jogay gudoomiyuhu
waxa magalada laga dareemaya kor u kac ganacso oo baladhan waxa magalada lagu
soo kordhiyey Hotelo badan oo bilicda magalada kor u qadaya iyo ganacsiyo kale
oo aan hore looga heli jirin gobolka taasi oo ay sabab u tahay Amniga Gobolka
iyo xasiloonida
5) Waxbarashada hoose waxa gobolka dagmooyinka hoos yimada laga daremayaa kor u kaca waxbarshada oo kor loo qaday tasi oo ay iska kashadeen dawladaha hoose mamulka gobolka iyo wasarada waxbarashada sidii loo heli laha waxbarsho dhamays tiran taasi oo bugaag iyo agab bilasha oo la gadhsiyey dhaman dugsiyada
6) Waxa gudomiyaha gobolka sool u gaar ah 18 May oo noqotay markii ugu horeysay ee si baladhan loga xuso gobolka taasi oo dhici jirtay in dad badan lagu xidhxidho ama ay ka hor iman jireen dhalinyaro oo dhinaca amniga ku keeni jirtay kicitaan xaga bulshada ah .
Shacabka ku dhaqan gobolka sool
maanta waxay diyaar u yihiin horumarka ka taabo galay gobolka taasi oo u bahan
in la dhinac istago cid wal oo ka shaqaynaysa danaha iyo masalaxada gobolka una
baahan in gacmaha laysu qabsado
Waxanu diyaar u nahay inaanu si
wada jira u helno wax wal oo ah danaha shacabka ku dhaqan goblka maamul iyo
shacaba waxii inagaga maqan dawlad iyo waxan qabsan karnaba reer sool ha eegan
horumar taama oo ku hir gali kara wada jir
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!