Dudumo Ciidi Ma Ka Maydhantaa ( Abdi-Shotaly).
Murti ay isticmaalaan xoola dhaqatadu baa waxay ahayd " Adhi daasad kama il-baxo" waxa afka kala qaaday, oo is yidhi wax baad ku hadlaysaa ama sheegaysaa, kaan sare ku soo carabaabay, ka dib-na siddii sacii la yidhi wuxuu la ciyaa ama la aamusaaba " Waa Bacaac" buu siddii u caadiga ahayd Xumbaddii uu qubi jirey ka soo waq siiyey. Hore baa markii uu Tog-dheer ka badhisaabka ahaa, ay reer Burco ugu bixiyeen " Xumbo Weyne" kolay arkeen waxa qawlaladda ka daada-naaya, aanu xataa is asturi karin ee uu qarda-jeex yahay murqaanka barjahu ka hadlinaayo. ka sidaa u dhintay baa itaal baaska is leh, wax ka difaac maamulka askarta jaho-wareersan ee kala wareegsan, kuwaas oo hadda dhooqo dhex fadhiistay siddii hal galoof ah, oo gelgelin dhoobo ah ku gelgelimay-sanaysa. Nasiib darro-se waxay tahay hashu takarta bay iskaga reeb-taaye, Af-dukaaq muxuu iskaga reebi doonaa doqonimadda tolow, ilayn waa u dhalasho, ee wax fuulay maahe sidda takarta.
Waxan ku soo dabray maqaalkan " Sakaaro xaar la arkaayo bay aasaas-taaye" oo ay is tidhaahaa cidi yey arkine qari, markay sidaas uga dhaqaaqdo, baa daba-gaale soo fadhaa, oo uu ceeb-teedda debedda keenaaye, waxan uga socdaa Arinka ka dhacay "Golaha Xil-dhiba-yaasha " Waa kuwa dhibay xilkii loo egmadaye ( waxad malaha u taqaaniin xildhibaan). kuwaas oo ku shaqeeya amarka askariga Hargeisa ka dhex botoriya. buu aqoon xumidiisa is leeyahay kala carar waxa la wadda og yahay, meel kale-na afka u saar. Dhan kastoo aad eegto-ba, ma jiraan wax ka madax banaan askariga, haddii ay tahay Maxakamado ku sheeg-yadda, Booliiska, waxa ay ugu yeedhaan ciidanka qaranka, labadda Gole ee Xil-dhiba-yaasha ah ( guurti ku sheeg iyo kuwa la yidhaaho baarlamaanka) iyo kuwa uu yidhaaho shimbira-yahaw Heesa ( Waa golaha wasiiro ku sheega ahe). waxan ku soo af jaray, Dalkan ma jirto meel fayaw oo la taabtaaye yaan lagu daalin, ayax iyo dhashiisii, oo ka sii daran baa uu u gacan galaye.
* N.B Doqoni Waa Duleed Joog.
Qore:- Abdi-shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!