Ciidamada Jabuuti Iyo Kuwa Faransiiska Oo Si Wada Jir Ah U Sameeyey Hawl Galo Tijaabo Ah
Djibouti(HWN):-Ciidamada dawlada jabuuti iyo kuwa
faransiiska ee ku sugan dalkaasi ayaa si wada jir ah u fuliyey hawl gal tijaabo
ah oo ujeedadiisu ahayd in haddii ay koox araggixiso ahi qabsato meel ka mid ah
dalkaasi sidii looga badbaadin lahaa nafta iyo hantida umada.
Hawlgalkan tijaabada ah ayaanay labada ciidanba la hadhin iyaga oo isticmaalayey dhamaan kooxaha gaarka u ah marka ay hawlahan oo kale dhacaan, waxaana hawlgalkan buddhig u ahaa labada kooxood ee u tababaran la dagaalanka argagixisada ee ciidanka faransiiska iyo ciidanka booliska ee jabuuti, kooxaha ay isticmaaleena waxa ka mid ahaa xoogaga miinada, baydariiyiinta liishaanka dheer,eyda, dhakhaatiirta iyo kalkaalisooyinka caafimaad.
Markii uu soo dhamaaday hawl galka tijaabada ah
ayaa waxa warbaahinta la hadlay afhayeenka ciidanka booliska ee dalka Jabuuti
gaashaanle Cumar Yuusuf(Cumar Casood) kaas oo ka waramay hawlgalkan tijaabada
ah ee ay ciidamadu sameeyeen waxaanu yidhi "Waxaan doonayaa inaan idiin
xaqiijino in hawlaha maanta halkan ka socday ay ahaayeen tababar ku saabsan
sidii haddii waxyaalahaas oo kale soo wajahaan dalkayaga aanu uga hortagi
lahayn anaga oo isgarabsanayna ciidamada faransiiska ee degan jabuut, hawlahana
waxay u dhaceen si qurux badan, halkii aanu doonaynay ayaanu gaadhnay.”
Afhayeenka ciidamada booliska jabuuti gaashaanle cumar casood oo hadalkiisa wata ayaa intaas raaciyey "Waxaad ogaatiin in haddii la samayn waayo tababar in maalinta ay dhabtu timaado ay xumaan karto, hore-na waa loo qabtay dibna loogu celin doonaa tababaradan iyada oo aanu ahayn wax joogsanaya