Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Lagu Qabanayo Shir Ku Saabsan Technology-yada Iyo Wasiir Cabdiwali Oo Faah Faahiyey

0
Monday August 19, 2019 - 17:54:07 in News by
  • Visits: 2252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Lagu Qabanayo Shir Ku Saabsan Technology-yada Iyo Wasiir Cabdiwali Oo Faah Faahiyey

    Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Lagu Qabanayo Shir Ku Saabsan Technology-yada Iyo Wasiir Cabdiwali Oo Faah Faahiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Lagu Qabanayo Shir Ku Saabsan Technology-yada Iyo Wasiir Cabdiwali Oo Faah Faahiyey


Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa ku dhawaaqday in wadanka lagu qaban doono shir lagaga hadlayo isbadalka technologyada casriga iyo sidii ay uga faa,iidaysan lahayd.


Wasiirka wasaarada technologyada iyo isgaadhsiinta somaliland Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil ayaa warbaahinta uga waramay wakhtiga shirkan lagu qabanayo somaliland iyo ujeedada ka dambaysa.




Wasiir Cabdilwali oo ka hadlaya shirkan ayaa waxa uu yidhi "Bisha 9aad ee sanadka 2019 gaar ahaana maalmaha 7aad iyo 8aad lagu qaban doono shir ku saabsan technology-ga casriga ah kaas oo la yidhaa ICT For Development and EmpoweringSuccess, kaas oo loogu tala galay in dhinacyada xidhiidhka la leh technologyadu ay iskugu yimaadaan kuwaas oo kala ah dawlada, shirkadaha iyo hay’addaha fidiya tacliinta kuwaas oo wada hadli doono sidii ay somaliland uga faa,iidaysan lahayd Technologyada casriga ah.”


Wasiir Cabdiwali oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Waa markii koowaad ee shir noocan ah lagu qabto somaliland ujeedada laga leeyahayna waa in laga soo saaro siyaasad qaran oo somaliland ka leedahay technology-yada, waxa kale oo aanu ugu tala galnay in shirkan lagu horumariyo suuqa Technology-ga oo meelo badan galaya, dawladuna ay u fududayso ka ganacsigiisa oo uu noqdo mid soo jiita dadka, waxaanan doonaynaa inuu ka qayb qaato horumarka dhaqaalaha, ujeedada kale ee aanu ka leenahayna in waxbarashada iyo xirfada Technology-ga in kor loo qaado oo laga soo bilaabo marka uu ardaydu fasalka koowaad bilaabo ilaa inta uu gaadhayo inuu suuqa soo galaya isaga oo shaqaysan kara.”


"Sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa cid kasta oo danaynaysa Technology-ga inay ka soo qayb galaan shirkaas waxaana u banaan inay soo bandhigi karaan haday sameeyeen cilmi baadhis, waxa kale oo aan shirkadaha ka ganacsada ugu baaqaynaa inay ka soo qayb galaan, jaamacad kasta oo leh kuliyada ICT lehna waxaan ugu baaqaynaa inay ka soo qayb galaan.”

 


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...