Maxay Isku Khilaafsan Yihiin Madaxweynaha Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland
Garoowe(HWN):-madaxweynaha maamulka puntland Siciid Cabdilaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan(Karaash) ayuu soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeyaa.
Madaxweyne ku xigeen Axmed Karaash ayaa sheegay inaanu madaxweynuhu la samayn wax wada tashi ah kala samayn magacaabista guddida ku meelgaadhka ah ee doorashooyinka maamulkaasi, isaga oo sharci daro ku tilmaamay guddidaasi.

Madaxweyne ku xigeen Axmed Karaash ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yidhhi "Waxaa caddaynayaa in xeerkani yahay waxba kama jiraan maadaama uu khilaafsan yahay dastuurka dawladda Puntland iyo lifaaqa 1aad ee dhismaha guddigan."
Guddiga ku-meelgaadhka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa ka kooban sagaal xubnood oo afar ka mid ah uu magacaabo guddoonka Baarlamaanka, halka shanta kalena uu magacaabo madaxweynaha.
Diidmada madaxweyne ku-xigeenka Axmed Karaash, ayaa dib u xasuusinaysa sida uu wax ugu dhimay wada-shaqeyntii u dhaxeysay madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas iyo ku-xigeenkiisii Camay, oo sidan oo kale ka horyimid guddigii uu magacaabay Cabdiweli Gaas ee doorashooyinka.


0 





