Nuxurka Kulan Dhexmaray Madaxweyne Farmaajo Iyo Dhigiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle+Sawiro
Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Farmaajo oo socdaal qaadanaya laba maalmood ku gaadhay wadanka Jabuuti ayey ka wada hadleen dhigiisa Ismaaciil Cumar Geelle sidii ay u xoojin lahaayeen xidhiidhka dublamaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada iyo horumarinta iskaashiga ay leeyihiin.




Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Muqdisho Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in booqashadan ay tahay mid gaar u ah Soomaaliya iyo Jabuuti.
Mar uu ka jawaabayay su'aal ku saabsaneyd in safarka Farmaajo ee Jabuuti uu la xiriiro muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyo waliba booqashadii Monica Juma ayuu yiri: "Annaga nama khuseyso wasiir kale iyo wufuud ka socotay dal kale oo halkan timid, waxa na khuseeya waa waxa annaga iyo walaalaheenna Jabuuti naga dhaxeeya, waa waxa aan annaga iyo Jabuuti iska kaashan karno, taas ayaana ahmiyad noo leh, Marka Monica iyo cid walba ayaa iman karta halkan, Jabuutina waa dal xor ah".
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |


0 










