Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Guddi Uu Magacaabay Madaxwayne Deni

0
Monday August 19, 2019 - 11:20:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3671
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Guddi Uu Magacaabay Madaxwayne Deni

    Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Csmaan (Karaash) ayaa si adag uga horyimid magacaabistii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Csmaan (Karaash) ayaa si adag uga horyimid magacaabistii guddiga doorashada ee kumeel-gaarka ah ee uu sameeyey madaxweyne Deni.

 

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka ayaa cuskadey qodobo ka mid ah dastuurka Puntland, kuwaaas oo kala ah qodobada 80, 5, 81, 2, iyo lifaaqa dastuurka, waxaan uu sharci darro ku tilmaamey magacaabista guddiga.

 

Ugu horeyn wuxuu sheegay in aan Madaxweynaha Puntland kala tashan magacaabista guddiga sida ku cad xeerka ayuu yiri, sidaas darteed maadaama aanu wax wadatashi ah igala sameyn waxa magacaabistaasi ka hor imaaneysa dastuurka, ayuu yiri Axmed Cilmi Cismaan



Loading...
Loading...