Manta Waxaynu Falanqaynaynaa Madaxwayne Nelson Rolihlahla Mandela

0
Monday August 19, 2019 - 10:30:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manta Waxaynu Falanqaynaynaa Madaxwayne Nelson Rolihlahla Mandela

    (Q 14aad E Barnamijka Hogaan Iyo Horumar ENG Mohamed Aden Hassan)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Q 14aad E Barnamijka Hogaan Iyo Horumar ENG Mohamed Aden Hassan)

Manta waxaynu falanqaynaynaa madaxwayne nelson Rolihlahla Mandela o ahaa halgamaa Africana iyo madaxwaynihii hore e dalka koonfur Africa(south Africa).



Madaxwayne  mandella waxa u wakhti badan ku qaatay jeelka marki la khalad fahmay isago ujedkisu ahaa in cadaanka iyo madawga sinadaan isla markana wax wada yeshaan isla markaana si siman wax u wada qaybsadaan.


Madaxwayne inta aanu noqon waxa u jeelka ku jiray muddo dhan 27 sano waad qiyaasi karaysaa wakhtigaasi intu legyahay waliba kamu tanasulin riyadiisi iyo waxa u aminsana e ahaa in u cadaanka iyo  madawga reer koonfur Africa simanyahin halkaas waxaynu ka dhandhansanaynaa in u ahaa shakhsi go’aan adag.


Madawayne mandella wixi ugu horeyay e u qabtay waxa ay ahayd in u dadka madawga iyo cadaanka ahba ay dawlada si siman o cadaalada wax uga helaan dhinaca masharicda iyo waxqabadka iyo waliba xaga xilalka.


Taas natijada ka dhalatay waxay noqotay in nidaamki kaligi taliska ahaa u meesha ka baxo dabaded dadka madawga ah iyo cadaanki sinaadan.


Durtaba south Africa waxay noqotay dal dadkisu is jecelyahin xakumadii nelson mandellana waxay dar-dar galisay waxqabadkii ay ballan qaday o waxaa la qabtay o la fuliyay mashariic horumarineed taas o dadka nolol u abuurtay.

 

Koonfur Africa waxay noqotay dal dhaqalihiisa iyo waxbarashadiisuba ay horumarsanyihiin isla markana dadkisu ay haystaan nolol wanaagsan wallow ay jiraan caqabado badan o hada dawlada  ku hareraysan oo jira gaar ahaan xaga dhaqalaha o musuq masuq ka jiro.

 

Hadaba maxaynu ka baran-karnaa dadka koonfur Africa iyo madaxwayne nalsen mandella?

Caqabada dalkena ka jirtaa maaha midab takoor sidii koonfur Africa waliba dalkena Somaliland waxa u ka horumarsanyahay koonfur afrikadii shalay wa siday ahayd wagii hore ee o isoma dhawa hadaba dalkena Somaliland waxa ka jirta caqabada qabyalada o ah cudur xun o galay noloshii dadka kaas o yarayay horumarkii iyo waliba kenay eex fara badan badana dadkenu qabyalada way ka hadlaan o waxay yidhaahdan haylayska daayo waxana la qabtaa maxadoroyin fara badan sida daraded hadana waxba iskama badalaan maalinba maalinka ka danbeya waxaynu haynaa AGEN-DIHII lagu badali lahaa iyo waliba sidii lo dabar go’ayn lahaa e ilaahay ha inaga dabar gooyo.


Hadaba waxaynu ka baran karaynaa dadka koonfur Africa in aynu si siman mashariicda dawlada u qaybsano o iska dayno nidaamkan qabyalada ku dhisan e ah reer hebel wasiir siiya  reer hebelka kalana wasiir siiya waa in qofkii waxgaranay e diin leh e dalka Somaliland si  daacada uga shaqenaya lageya booska halki laga keeni lahaa qof wax garanaya ama mid aan waxba garanayn balse labaduba ku shaqenayaa eex iyo qabyaalad taas o aynu wada garanayno natiijada ka dhalatay.


Eeg hada hadii madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenkaba ay walaladood iyo asxaabtoda gaarka ahba ay ku taxaan dhamaan xilalka dawlada hoos iyo saraba lakiin ay dadkasi yihiin xilalka hayaa dad aqoon leh o wax garanaya dadkana si dacada uga shaqenaya kana go;antahay horumarinta Somaliland wa wax wanaagsan wanan bogaadinayaa hadii arinkaasi tusaale ahaan u dhaba noqdo sabab to ah inagu waxaynu donaynaa dad ina horumariya o si fiican o daacada inagu shaqeya balse ma donayno dad aynu isku hayb nahay balse si khaldan inogu shaqeeya isla markana dalkenu u dibu dhac waligii ku sugnaado.

 

ALLA MAHAD LEH ALLA MAHAD LEH ALLA MAHAD LEH

BY:Mohammed Adam Hassan

Engineer and Politician Researcher And writer

Hogaan IYO Horumar.

DOORO HOGAAMIYE WANAAGSAN OO HORUMAR KEENI KARA IYO ISBADAL DUNIDANA INA GAADHSIIN KARA.

E-MAIL: [email protected]

Tell:         0634394700.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...