Nuxurka Buugga Deeqa Colujoog
Deeqa Jaamac Jibriil (Deeqa Col-u-joog) ayaa soo saartay buug ay u bixisay Diwaanka Nabadda Soomaaliyeed: Hore, Hadda iyo Hadhow, kaas oo ka kooban 600 oo bog waxayna qoraysey muddo ku siman 35 sano, waxaana lagu soo bandhigay xarunta Hay’adda Cilmi Baadhista ’PDRC’, Garoowe, Puntland.
Prof. Deeqa Jaamac Col-u-joog waa aqoonyahan sare oo foolaad ah, waana xidaar weyn oo ku garaadaysatay kuna takhasustay Cilmiga Bulshada, Qaryaan weeye Eebbe ku galladaystay garasho looshan oo lehinsiisey awood-xiiseed ay dhaaxo badan ku gurubsanaysey faracyada kala duwan ee ku tuban kasmooyinka aqooneed ee aadanuhu kala korodhsado. Dhanka hibada maanso-curinta waa mid Mawle ku mannaystay oo hal-abuur ah.
Prof. Deeqa Jaamac Colujoog waa xiribyahan (siyaasiyad) si guro-fog u dhaadsan uguna dhuun daloolsha miliqshaanleysiga iyo habab-meeritaanka siyaasadeedka cakiran ee Soomaaliyeed haddii ay tahay dhaaxihii uu dhabilisanayey kacaankii Soomaaliyeed iyodharaarrihii ka dambeeyey ee dawladdii Soomaaliya ay duntay ee la qaaday dhabada dhiillada iyo dhuftanka collaadda sokeeye ee joogtaysnaa guyaal gaadhaya 28kii gu' (1990-2018) ee ugu dambeeyey, kuwaas oo si ba'an iyo bayhoof ah u saameeyey barada Soomaaliyeed.
Professor Deeqa Jaamac Colujoog waxa ay soo
ahayd:
- Professorkii Cilmiga Bulshada
ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (1974-1990)
- Aasaasihii iyo guddoomiyihii Akaademiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed (1977-1980).
- Haddana waxay dhaaxo badan dhexda u xidhnayd kuna hawlanayd aasaasidda Akaaddemiyadda Abyan Ee Cilmi-baadhista, Horumarinta, Tacliinta Sare iyo Hiddaha (Abyan Academy For Research, Development Higher Education Center) taas oo magaceeda marka la laqbeeyo uu yahay AARDHEC.
- Professor Deeqa Jaamac Colujoog waxay dharaaro badan ku fooganayd inay bulshada Soomaaliyeed u dhitayso kayd dhigaaleed dhaxalgal ah, kaas oo dheef iyo dhur badan haddii murtimeerka aqooneed ee ku meeran la dhaqangeliyo.
Haddaba, dhigaalladan ay Professoradu inoo meertay oo ah Diiwaanno aqoon-baadhistoodu si feejigan oo foollaadsan loo fansaaray, dhowaanna uunka Soomaaliyeed ka wabxi doonaan, waxa ka mida:
1- Hoggaaminta
Halyeeynimo
2- Hooheey Maxaa Ku Heley: Taaganneyaasha Turxaan-siyaaso
3- Dhugtankii Cali Aadan Gorayo (Cali-dhuux)
4- Heerka iyo Kaalinta Haweenka Soomaaliyeed
5- Guurka Beesha Reer-guuraaga Soomaaliyeed
6- Diiwaanka Nabadda Soomaaliyeed
Nuxurka Buugga Diiwaanka Nabadda Soomaaliyeed
Haddaba Diiwaanka Nabadda Soomaaliyeed xog uruurintiisii, isku-dubaridkiisii iyo gorfeyn-aragtiyeed ka soo jeedintiisii ay muruq, maal,
maan-maskaxeed iyo muddo-xilliyeed dheeriya galeen, nuxur ahaanna uu
diiwaankani yahay mid cilmiyeysan, xiribaysan, xusbadaysan, dhaqamaysan,
suugaamaysan, faahfaahsan oo waqtiyeysan, isla markaana, ka soo minguursan
dareen-xiseed Aqoonyahan oo ah ka digiigixasho duruufaha adag ee ayaan-darro ee
ummadda marxaladdan Burbur ku xaydaaman oo ku gadaanmay (nabad-gelyo darro iyo
maamul qallooc), ka samato-baxoodiina adkaaday, ilaa haddana maganta loo yahay,
xal waara na loo la' yahay, oo la haystayaalna loo noqday.
Kolkaas duluc iyo nuxur ahaanba waxa uu Diiwaanka Nabadda Soomaaliyeed ku
abbaaran yahay qun-u-fahmidda iyo qeexidda unug-saldhigeedka turxaanaha
siyaaso, door-roonaanta nabadda iyo xal waara oo dhab ah u raadin mugdiga,
malaahowga iyo majare-habawga ka saaridda maydaan siyaasadeedka maanta,
mahlakooyin ayaan-darro ka badbaadinta qaran, xasillooni iyo horumarna ku soo
dabaalidda daleed iyo dadeed iyo tubta toosan ku aadinta aayo masiireedka
mustaqbal ummaddeed; waxaa na meel-marinta ujeeddo udub-dhexaad ambo-qaadda u
ah:
● Xulasho hogaamin halyeeynimo.
● Dhisidda maamul-dawladdeed tenaadda.
● Dib-u-yagleelidda qaranimo taabbo-gal noqota
● Dib-u-heshiisiin dhab ah, oo kama-dambays ah, oo midaysa qaybaha bulsho ee
ummaddu tahay, mabda' ahaanna Soomaaliyeysan, Garta geedna ku gorfeysan oo ku
guddoonsan.
.....
By Axmed Xuseen
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!