Kala Duwanaansha Somaliland Iyo Somalia Halkuu Salka Ku Hayaa.
Waqtigii Gumaystaha ka hor dadka SOMALILAND la odhan jiray imika magaciisii hore dib looga bixiyey waxay ahaan jireen dad reer miyi ah oo xoolo dhaqato ah oo reero ka kooban oo reer walba odayo hogaamiyaan oo xukunkuusu ku qotomay diinta Islaamka marka wax dhacaan hadday dhiig tay hadday dhaqan tay ama dhaqaale la isku qabto haddaan si kale u dhigo hadday timaado qudh bax ama aqoon ama qaanba. sidaasay shacabka reer SOMALILAND ahaan jireen Xukunkoodu manay jirin wax dawlad dhexe la yidhaa xilligii gumaystaha ka hor ee waxay isku ku kala bixi jireen nidaamka diinta Islaamka oo ay wada rumaysnaayeen. Markii gumaystuhu yimi xukuumaddii Ingiriiiska arin aad umaddii reer SOMALILAND u anfacay bay sameeyeen oo intaanu gumaystuhu cagahaba soo dhigan bada Berbera bay hashish dhaxal gal noqday kula saxeexdeen oo ahaa INUU INGIRIISKU WADANKA DUSHA KA ILAALIYO LAAKIIN ISMAAMILKOODII DIINTA KU SALAYSNAA EE UMMADAA XOOLO DHAQATADA AHAYD INAANUU SOO FARAGELIN XUKUNKOODA IYO DIINTOODA TOONA (British protectorate). Waa wax Yamaha waa weyn ee ay ku kala duwanyihiin labada shacab ee SOMALILAND iyo Somalia waayo heshiiskaasoo kale SOMALIA gumaystahoodii lamay gelin oo gumaystahoodii ilaa dukhdaakhil buu socday oo dhaqakoodii buu burburiyey waa arimaha ay labada shacab u kala fikirka duwan yihiin ee aan isugu darsami karin ee ay ku soo kala boodeen maaha sida ay u dhigaan Siyaasiyiinta labada dhinac ee aan taariikhda iyo nolosha labada shacab soo kala mareen aan war ka haynin arinkana u dhiga inuu ka bilawday dagaalkii dhacay dhowaan. Markii gumaystuhu ka baxay labada dal ayey wax badani isku qasmeen oo fikirkii iyo wada noolaashii adkaaday oo xukunkii la kala Boobay. Waxaa kala duwaaday labadii luqadood ee labada maamul ku shaqaynayeen, waxaa kala duwanaaday labadii habmaamul ee labada gumayste ee ka tegay ku shaqaynayeen, waxaa kala duwanaaday nooca iyo tayada iyo tababarada xirfadeed ama maamul ee shaqaalihii dawladdii Ingiriiska iyo kuwii Talyaaniga kala siteen, waxaa kala duwanaaday fikirkii iyo akhlaaqdii labada shacab ilaa maantana way kala duwanyihiin oo dawlad qudha iskuma noqon karaan. Sidoo kale waxaa kala duwan dabeecaddii hab dhaqanka labada shacab ee kusoo kala baxay labada gumayste ee waad u kala dhaqanka iyo maamul duwan oo qolo walba soo xukumayey si kala duwan in ka badan todobaatan sano. Maanta way kala duwantay oo isuma dhowa labada dhibaato ee ka kala jira SOMALILAND iyo Somalia. SOMALILAND dhibaatada ka jirtaa waa mid aad u sahlan oo weliba aad u bilaabantay intii timing ama jirtay Xukuumaddii uu Siilaanyo la xanuunsaday oo Saami qaybsigii oo lumey iyo musuqmaasuq xadhiga goostay oo ubad badan ku dhalay wadanka oo SICIR BARAR U WEYNYEY. Laakiin dhibaatada SOMALIA ka jirtaa lama mid aha waxaa ka jira SOMALILAND ee way ka foolxuntay oo lagama sheekayn karo lagamana gayoonayo waayo adduunkoo dhan ayaa Faraha kula jira dhexdoodana deggan maamuladoodana u kala taliyo waa dumdumo daldalool badan oo bahala galeen ah. Sidaa awgeed marnaba SOMALILAND iyo SOMALIA isku Dawlad ma noqon karaan ciddii figrad noocaas ah ku fikirtaa waqtiga noocan ah ku riyoodaa isagaa dhafoorku Daali.
Dhibta yar ee SOMALILAND ka jirta waa mid madaxweyne bedeli karo laakiin dhibaatada dhabta ah ee ka jirta SOMALIA waa mid Allah mooyee aanay mulan in cid bedeli kartaa imika jirto. Wada hadalada SOMALILAND iyo SOMALIA waa business waa inaan la joojin ee mar walba waa inay SOMALILAND lacag millions ah ku xidhaa oo ka dheeftaa dalkeedana iyo dawladeena cawrooyinkeeda asturataa. Hadal iyo dhamaantii SOMALILAND iyo SOMALIA isma raaci karaan kontonka sano ee soo socda. Sidani waa markaan yara mashqaceeyey arima SOMALILAND iyo SOMALIA.
M Bashe
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!