Maareeyihii Madbacadda Qaranka Oo Xafiiskiisii Laga Waayey

0
Monday August 19, 2019 - 09:47:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyihii Madbacadda Qaranka Oo Xafiiskiisii Laga Waayey

    Maahmaah soomaaliyeed ayaa tidhaa labaatan jir mudug ku dhashay illaahay uma xil qarin,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maahmaah soomaaliyeed ayaa tidhaa labaatan jir mudug ku dhashay illaahay uma xil qarin,
sidaa waxa ka dhigan maareeyaha madbacada dawlada oo dibad wareeg ka noqday shaqadii qaranku u dirsaday, wuxuu sabab la’aan ugu baxay safar dibadeed shakhsi  ah oon ujeedadiisa laga war qabin, nasiib daro waxa madaxweyne ku xigeenka oo maalintii khamiista ahayd kormeer kadis ah ku tagay xarunta madbacadda qaranka uu ka waayay goobtii shaqada maareeyihii la rabay in xiliga shaqada xafiiskiisa loogu yimaado, hadaba dad badan ayaa is weydiinaya waxa uu shaqada kaga mashquulay iyo halka uu jaan iyo cidhib dhigay, waxa la xaqiijiyey in ku dhawaad sodon cisho uu shaqada sabab la’aan uga maqan yahay iyada oo wararka aan helay qaar ii xaqiijiyeen in uu safar dibadeed oo shakhsi ah isla markaana aan ujeedadiisu cadayn uu ku joogo dalka ingiriiska oo qoyskiisii degan yahay.


Madaxweynahu hoos ha u eego masuuliyiinta uu xalalka u dhiibayo, waxaan soo jeedin lahaa in qurba jooga shuruud looga dhigo in aanay labadii biloodba mar dibada u yaacin si aan shaqadu u curyaamin, madbacada dawlada waxa dhibaato ku ah in qofkii loo dhiibay uu shaqada ka doorbido in uu ciyaalkiisa la soo keefo, maxayse kuugu taalaa mar hadii maareeyihii madbacada la baafinayey markii madaxweyne xigeenku kormeerka kadiska ah ku tagay khamiistii,”labaatan jir mudug ku dhashay illaahay  uma xil qarin”

Hinda Yusuf Said

Social Activist

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...