Geedi Socodkii Qorsheyaasha Higsiga Qaranka Dhalinyarada JSL Ee(2017-2021 ESSP) Oo Xukuumadu Ku Fashilantay .
Qalinkii A/Rahman Fidhinle UK
- Waxay Xukuumadani tahli weyday in ay ka shaqeysiiso oo wax ka bedel iyo kaabis ku samayso shuruucdii lagu hagi lahaa qorsheyaasha dhalinyarada JSL (National Youth Policy) kuwaas oo loo baahnaa in ay ku saleyso waqti dhow iyo mid dheer sida 2 years ama 5 years strategies. Mar hadii ay ka gaabisay xukuumadu howlgelintii qorashaha ee labadii sanadood ee la soo dhaafay ay dhalinyaradu ku laheyd qorshahan ( National Development Plan 2017- 2021 ESSP). Maxaa maanta la gudboon Xukuumadda ? Maxaase laga filan karaa sanadka soo socda, gaar ahaan Wasaaradda u qaabilsan horumarinta dhalinyarada ?
Daraasad dhawaan lagu lafo guray Xaaladaha dhalinyarada JSL ayaa
waxaa ka soo baxday in Somaliland dhalinyarada da’doodu ka yar tahay
30 jirka lagu qiyaasay
65%. Ardeyda dhigata dhamaan dugsiyada Somaliland ayaa gaadhay
1 million oo arday oo kala dhigta dugsiyada Somaliland oo kor u dhaafay
1310 dugsi kuwaas oo isugu jira Dugsiyada Hoose oo dhan
700 dugsi,kuwa Dhexe oo gaadhaya
470 dugsi iyo kuwa Sare oo gaadhay
140 dugsi. Ardeyda dhigata
36– ka Jaamacadood ee Somaliland waxay iyana gaadhayaan Ilaaa iyo
50 kun oo ardey, waxaana sanadkii dhamaaday ee
2018 ka qalin jebiyey Jaamacadaha dalka ilaa
8 kun oo Arday kuwaas oo dhamaan ardeydaasi aanu
ceelna uqodneyn cidina umaqneyn oo aan qorshe qaran loo samayn. Daraasad
kale oo dhawaan iyana lagu sameeyey tiro koobka guud ee dhalinyarada
reer Somaliland ee sanad kasta waxbarashada dhameysa ayaa iyana lagu
xaqiijiyey in ardeyda sanadkan
2019 dugsiyada sare ka baxaday ay gaadheen
11 kun oo arday marka lagu daro ardeyda ka baxday dugsiyada gaarka loo leeyahay. halka kuwa ka baxay fasalka
8-aad ee dugsiyada dhexe ay iyana gaadheen sandkan
21 kun oo arday marka iyana lagu daro ardayda ka
baxday dugsiyada gaarka ah. Waxa Daraasadu hoosta ka xariiqday in aan
dhalinyarada waxqabadkooda la dhayalsan Karin maadaama ay yihiin
dhalinyarada JSL majooratiga quwada shacabweynaha reer Somaliland.
Daraasadu waxay xustay in tiradaa ardeyda qalin jebisay ee sii
badanaysa sanadba sanadka ka danbeeya iyo qorshe la'aanta Xukuumada
maanta jirtaa ay yihiin kaaf iyo kala dheeri waxaanay dhalinyardaa
tirada badan ee sanad kasta soo baxaysaa ay u baahan yihiin qorshe qaran
oo deg deg ah. Waana in Xukuumadu ka shaqeysiisaa Qorshihii
higsiga dhalinyarada ee shanta sanadood lagu sar gooyey kaas oo
ahaa qorshihii waxbarashada iyo waxqabadka dhalinyarada JSL ee (
2017- 2021 ESSP )
Waxaa waxgaradku isku wada raaceen in Xukuumadihii kala danbeeyey ee Kulmiye ay ku fashilmeen qorshe yaasha waxqabadka dhalinyarada qalin jebisa, taas oo hada ay shacabka u cadaatey in Qorshe Hawleedkii Higsiga Qaranka ee dhalinyarada SL ( Somaliland Youth, Sport and Cultural National Plan ) ay ku sii fashilantey Xukuumada maanta jirtaa markay ku soo koobtey oo keliya qorshihii dhalinyarada mashruuca shaqo qaran kaas si fiican loo bilaabay biloowgiisii laakiin musuq maasuq, mad-madow fara badan iyo niyad jab ku dhamaaday markii shaqooyinkii 400 ahaa ee soo baxay 100 ka mid ah daaha dabadiisa lagu qortay. Waxay arintani dhalinyaradii JSL ku riday niyad jab hor leh oo u cadeysay in aanay marna Merit iyo aqoontooda waxba ku heleyn inta ay dalka ka jiraan musuqa iyo abaal celinta malaasani.
Waxaa waxgaradku isku wada raaceen in Xukuumadihii kala danbeeyey ee Kulmiye ay ku fashilmeen qorshe yaasha waxqabadka dhalinyarada qalin jebisa, taas oo hada ay shacabka u cadaatey in Qorshe Hawleedkii Higsiga Qaranka ee dhalinyarada SL ( Somaliland Youth, Sport and Cultural National Plan ) ay ku sii fashilantey Xukuumada maanta jirtaa markay ku soo koobtey oo keliya qorshihii dhalinyarada mashruuca shaqo qaran kaas si fiican loo bilaabay biloowgiisii laakiin musuq maasuq, mad-madow fara badan iyo niyad jab ku dhamaaday markii shaqooyinkii 400 ahaa ee soo baxay 100 ka mid ah daaha dabadiisa lagu qortay. Waxay arintani dhalinyaradii JSL ku riday niyad jab hor leh oo u cadeysay in aanay marna Merit iyo aqoontooda waxba ku heleyn inta ay dalka ka jiraan musuqa iyo abaal celinta malaasani.
- Waxay Xukuumadani tahli weyday in ay ka shaqeysiiso oo wax ka bedel iyo kaabis ku samayso shuruucdii lagu hagi lahaa qorsheyaasha dhalinyarada JSL (National Youth Policy) kuwaas oo loo baahnaa in ay ku saleyso waqti dhow iyo mid dheer sida 2 years ama 5 years strategies. Mar hadii ay ka gaabisay xukuumadu howlgelintii qorashaha ee labadii sanadood ee la soo dhaafay ay dhalinyaradu ku laheyd qorshahan ( National Development Plan 2017- 2021 ESSP). Maxaa maanta la gudboon Xukuumadda ? Maxaase laga filan karaa sanadka soo socda, gaar ahaan Wasaaradda u qaabilsan horumarinta dhalinyarada ?
GUNAANAD:
Waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in ay dhalinyarada si deg deg ah ugu
sameyso istiraatiijiyad ku saleysan toban qodob ( 10 Point Plan ) si
dhalinyarada loogu jiheeyo tubta toosan, wadaninimo, shaqo abuur iyo
abaabulka ciyaaraha kala duwan oo si joogto ah loo abaabulo si ay
dhalinyaradu balwada u yareeyaan oo u shaqo tagaan.
Allaa Mahad Leh-Wa Billaahi Towfiiq.
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...