Eng. Maxamed Xaashi Sawirka Miyaanu Arag?

0
Monday August 19, 2019 - 09:05:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eng. Maxamed Xaashi Sawirka Miyaanu Arag?

    Sawirka dhowaanahan saxaafada iyo baraha bulshadaba qabsaday ee madaxwene Muse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawirka dhowaanahan saxaafada iyo baraha bulshadaba qabsaday ee madaxwene Muse Biixi
oo dhex taagan wasiiro ka tirsan dawladda uu inta badan aflagaadeeyo ee Farmaajo, runtii waa fadeexad cusub oo la soo deristay Somaliland.  Haddaba Maxamed Xasshi oo dhowaan wareysi siinaayey TVga Eryal, ayaa sheegay in xajku yahay goob cibaado oo la isku saamaxo ee maxaa in la isa salaamo lagu diidayaa.  Taa iyada muran kama taagna, salaantuna waaba waajib.  Laakiin waxa laga hadlayaa waa sawirka foosha xun ee muujinaya Madaxweyne Muse Biixi oo dhex qotoma laba wasiir oo ka tirsan dawladda Farmaajo.   Sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliya, wasiirada Somaliya markii hore madaxweynaha salaan ayay ugu tageen, ka dibna way soo noqdeen, iyadow iska caddahay inay wada tashi (consultation) soo sameeyeen, waxayna la galeen sawirka qaabka daran ee aynu wada aragnay.

 

Inkastoo qabyaaladu ay fara baas ku hayso Somali oo dhan oo ay gaadhay heer ay caqligii saliimka ahaa ka xaday, haddana arrinka Maxamed Xaashi waa laba mid uun: inaanu sawirka arag oo uu u haysto in la isa sallaamay oo keli ah, ama sidii caadad u ahayd uu u haysto inuu kelidii sax yahay dadka kalena khaldan yihiin – waana u garaad yari.

 

Waxaan qofna dafiri karin in Muse Biixi uu haybadii madaxweynanimo hoos u dhigay intii uu xilka hayay. Marar badan ayaynu aragnay madaxweynaha oo marka uu kormeerada ku marayo magaalada dhexdeeda ay dad laga yaabo inay saaxiibo yihiin ay sida ciyaalka qaarna gacmaha qabsanayaan qaarna garabaha iska laallaadinayaan. kuwa ugu daranina waa maayarka iyo mayor-xigeenka caasimada, iyadoo weliba maayar-xigeenku la maqlaayay isagoo dhowr jeer madaxweynaha ugu yeedhaya Muusow, Muusow.   Dhacdadii ugu foosha xumayd waxay ka dhacday aaskii marxuum Xaaji Cabdi Warabe, markii shaashadaha TV yada laga daawaday iyadoo nin madaxweynaha saaxiibkii ahaa uu madaxeynaha indhaha qabtay, iyadoo weliba mid ka mid dadkii goobta joogayna uu madaxeynaha madaxa u salaaxay.

 

Maaha uun saaxibadii oo keli ah, madaxweynaha laftiisa ayaa tiraba laba jeer laga daawaday shaashadaha isagoo goob aas ka dhacayo, oo midi ahayd aaskii Abwaan Saxardiid Jebiye,  uu madaxweynuhu ka akhiryey eulogy ga marxuumka, sida goortuu dhashay, shaqooyinkii uu soo qabtay, carruurta iyo xaasaka uu kategay iwm, waxaasina maaha in madaxweynuhu uu ka hadlo.  Madaxweynaha waxuunbaa looga baahnaa erayo kooban oo doco u badan.    Khudbadaha uu madaxweynuhu fagaarayaasha ka jeediyo ayaa iyana u baahan in dib loo eego oo kaftanka badan iyo eedaynta aan dhamaadka lahayn ee uu u jeedinayo dawladda Farmaajo iyo maamulka Puntland oo kalsooni darro muujinaysa in laga yareeyo.

 

[email protected]



[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...