Wax Markasta Aynu Diyaar U Nahay!

0
Monday August 19, 2019 - 08:59:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Markasta Aynu Diyaar U Nahay!

    Waxkasta waa suuree. Noole kasta, gaar ahaan aadamuhu, waxa uu sugaa waa geeri.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxkasta waa suuree. Noole kasta, gaar ahaan aadamuhu, waxa uu sugaa waa geeri.
Xillisan iyo xilli kadeedaba. Waa meerto noloshu. Waxay ka yagleelantahay sanado, bilo, maalmo, saacado ilaa ilbidhiqsiyo. Naftuna waxay geeddigeeda gelaysa ilbidhiqsiga ay leedahay. Hadaba, naftani intaanay ka bixin jidhkan, waxaa jira kediyayaal kadeed geliya nafta iyo jidhka ay gabbaadsanaysaba. Qofku waxa uu u dayacanyahay ilbidhiqsi kasta in uu soo gaadho kadeed nafeed, maal ama mid jidh. Tusaale, bal ka warran adoo ah askari haddii lagu yidhaahdo amminkasta waxa kugu dhici karta xabad ay soo ridayaan cadawgu ee hal ilbidhiqsi ha libiqsane bartaa shiishka ku hay labada saacadood ee soo foolka leh. Askarigaas wuxuu la kulmayaa kadeed, waxa uu naawilayaa in maruun ay dhafaan labadan saacadood si' uu digtoonida iyo ilaaladan adag u gabaxo. Nefis iyo wakhti waasicana u helo. Waxa uu is-waydiinayaa haddii uu libiqsado in xabbad dhafooorka laga ga dhufanaayo oo naftiisu halaagmayso. Marka uu jaanis helana waxa uu dareemayaa raynrayn iyo naftiisii nabadtahay oo uu xorriyad u haysto in uu noolaado. Taasina suuragal maaha ee waxa mashquuliyey markii hore waa baqashada nafeed ee soo waajahay. 


Sidaas si' la mid waxa mar kasta qofka ku soo maqan kadeedka adduunyada oo rasaas kaga daran, dhimasho ama nololina ka danbayso. Waxa dhufays ugu jira kii shaydaan ahaa--oo tin iyo baar adduunyadan ka dhigaaya mid nabdoon oo xasarad ka caaggan, waxa jidhkiisa si' nabdoon ugu nool xayawaan ili-ma-aragtay ah oo markay jaanis u helaan aakhiro ugu tuuraya, waxa xilli kasta shaqada joojin karta xubin ilaa unug jidhkiisa kamid ah oo noloshiisa kadeed adduunyo ama dhimashaba ku keeni kara. Waxa haleeli karta bilo ka soo burqatay mid xaasida--dadkuna il u yaaqaan oo ka dhexmudhtidhi, cillaankiisana loo maaro waayey. Waxaa ku imaan karta bilo dabiiciya oo sida haamadayga leeftay wuu qurux iyo maal lahaa. Intaas oo dhami waxay si' aan garasho lahayn ugu soo derrin karan qofka isagoon ka warhayn amminta ay soo waajahayaan. Hasayeeshee, qofku waa mid niyad ahaan, degan, mashquula oo aan si' taxadir leh ugu warqabanin dhibaatooyinkan soo fool ka leh. 
 
Qormadani waxay si' dhaba kuu xasuusinaysaa xadiiskii rasuulka ee macnihiisu ahaa,  Alle ka cabso meelkastood joogto, xumaantaad samaysana wanaag ka daba gee way kaa masaxaysaaye, dadkana kula dhaqan akhlaaq wanaagsan". Xadiis koobani waxa uu sheegayaa in nafta iyo jidhka aadumuhu markasta aanu ahayn mid nabdoon, balse, nabadgelyadiisu ku xidhantahay saddex shay, Alle ka cabsi, cibaado suubban iyo dadka oo layska dhaafo dhibtooda. 


Sadam Osman kaabash
Hargeisa, Somaliland.
Degmada: Maxamed Mooge

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...