Xukuumada Oo Iska Difaacday Eedaymihii Sheekh Aadan Siiro

0
Sunday August 18, 2019 - 19:26:14 in News by
  • Visits: 4009
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Iska Difaacday Eedaymihii Sheekh Aadan Siiro

    Xukuumada Oo Iska Difaacday Eedaymihii Sheekh Aadan Siiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Oo Iska Difaacday Eedaymihii Sheekh Aadan Siiro


Hargeysa(HWN):-Wasiirka horumarinta maaliyada somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa ka jawaabay eedaymo xukuumada uga yimid sheekh Aadan Siiro.


Wasiir Sacad Cali Shire ayaa si gaar ah uga jawaabay eedaymaha sheekh Aadan Siiro ee la xidhiidhay in xukuumadu isku koobtay dhaqaalihii dalka ayaa waxa uu yidhi "Dabacan arinkaas sida uu sheekhu u sheegay maaha ee way ka duwantahay,sideedaba dawladu waxay ku shaqaysaa waa miisaaniyad miisaaniyadaasina waxay leedahay ilo ay ka soo baxdo, waxaanay leedahay madaxyo ay ka baxdo, wasaarada marka la qorshaynaayo wasaarad iyo haayad walba oo dawladeed qayb ayaa la siiyaa, qaybtaas la siiyo laftigeeda hoos ayaa loogu sii daadagaa oo shay waliba waxa uu leeyahay qoondayn, markaas miisaaniyadeedna 47% waa mushahar anigu mushahar ma haysan karo madaxweynuuna ma haysan karo mushaharka waa in la siiyo cidii lahayd sida bajadka ku cad, haayad walba intii u qorshaysnayd ayaa la siiyaa sida ku cad miisaniyada. Miisaniyada 28% waa hawl socodsiin shidaal,dayactir iyo safar kaasina sidiisa ayuu u baxaa anigu ma hayn karo ileen hadii kale hawshu ma soconaysee waxa soo hadhay 20% kuwaasina waa mashaariicda oo mashaariicdii ka soo wareegtay 2018-kii waanu sii wada daynay.”




Wasiir Sacad oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Mashaariicdii 2019-ka waxii aan baabuur ahayn waanu sii wada daynay waxa lacag ah oo nagu baaqday oo aanu meel dhiganay ma jiraan, waxii noo soo xarooday ee cashuurta ahaana shilin waliba waxa uu maray halkii loogu talogalay sida ay miisaaniyadu odhanayso fikir khalad ah ayaa laga haystaa wasaara maaliyada dad badan waxay u haystaan meel sanduuq weyn leh oo lacagtu ku soo xarooto dabadeedna qofka masuulka ka ah wasaarada maaliyada madaxweynuu sida uu doono inuu ugu tagrifali karo maaha sidaas, waxani waa wax baarlamaan ansixiyay waa wax la odhidgareeyo oo laysaga danbeeyo waxuu qofku ku tagrifali karo maaha wax nagu baaqdayna ma jiraan sanadkan.”

Loading...
Loading...