Maxaa Xisbiga Waddani U Dan Ah?...W/Q Cabdalle Gaaxnuug

0
Sunday August 18, 2019 - 19:22:49 in Articles by
  • Visits: 1230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Xisbiga Waddani U Dan Ah?...W/Q Cabdalle Gaaxnuug

    Maxaa Xisbiga Waddani U Dan Ah?...W/Q Cabdalle Gaaxnuug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Xisbiga Waddani U Dan Ah?...W/Q Cabdalle Gaaxnuug

Siyaasada gudaha ee somaliland, waa qaybo kala gadisan oo lagu qaabeeyo, muuqaalka guud ee lagu sifaynayo hanaanka dawlad maamul aynu qaadanay ee Democracy.

Erayga Democracy waxa laga soo maan guuriyay philosophers-kii iyo siyaasiyiintii maamuli jiray gobolka Athens 507-- 508 BCee Greega,oo isku dhacyadii mamulka ku xaliyay inay ku qayb sadan maamulka democracy, qarniyadii dambana waxa sii qaatay boqortooyadii Roman oo Iyana xiisaynaysa awood qaybsiga, waxana lagu sharaxaa bulshada oo wadaagta awooda dalka , sharciga oo sareeya iyo madaxda oo cod shacab ku timaada .




Istaraatiijiyadda Democracy-gu waa suuqgeyn siyaasadeed oo ku saabsan sida xisbiyada, musharraxiinta iyo dowladaha ay u fakaraan una qorsheeyaan si ay u gaaraan ujeedooyinkooda.

Waxay ubaahan tahay tixgalin iyo ka fiirsasho qodobo badan oo kala duwan sida nooca doonista dad-waynaha, Tabaha taariikhda dhaxalka , fal galida dhaqanka, xoogaynta maamulka, ka faa’idaysiga xiisadaha daneeyayaasha caalamka, ka digtoonanta tartamayaasha , kobaca kheyraadka, heshiisyada doorashada iyo gaadhida hadafyada.

Siyaasiyiinta aftahanimada u firfircoon ee xisbiga wadani waxa la gud boon inay ku tartaman Jagooyinka a u dhexeeya xusbiyada lana kala difaacanayo ee dadka la dooranayo (sheriffs).

Gudoomiye Cirro iyo kooxdiisa waa inay ku dhacan sidii xiliyadii 1940-1950 maraykanka lagu magacaabi jiray "Red Scare " ee Senator McCarthy uga soo hor jeedsaday kooxihii shuuciga "HUAC” kuna baadi doonayay hirgalinta xubin dhex dhexaada oo laga siman yahay, khiyaanadana laga tirtiro, wuxuna ku qaaday dagaalka olole kicin shacab siyaasadaysan oo ka dhanka ah wadaagista si aan horey loo fileyn, kuna tilmaamay faro galin dad gaara .

Nuxurka siyaasadeed wadani waxa ku haboon inuu fiiriyo tirooyinka bulshada badan ee kala jaadka ah, kasbashada qalbiyadooda ,qulubtooda iyo quwadoodaba, xoojiyana xidhiidhkooda oo cadaadis saaro inay doorasho qabsoonto si hadhaw xubno buuxa oo wadani ku matali kara dood, dirir iyo difaacid mooshinba u helo ,lana gorgortanta wiiqida codka aqlabiyada ee Kulmiyaha barlamanka.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...