Waa Maxay Cilmaaniyaddu

0
Sunday August 18, 2019 - 14:43:13 in Articles by
  • Visits: 3295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Cilmaaniyaddu

    Waa Maxay Cilmaaniyaddu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Maxay Cilmaaniyaddu



Cilmaaniyadda ama (Secularism) waa mad-hab fikri ah oo taariikh ahaan kasoo jeeda qaaradda Yurub iyo guud ahaan dhanka reer galbeedka. Wuxuu mad-habkaan qabaa in la kala saaro dowladda iyo kaniisadda (separation of church and state) . Dad badan baa ku khaldama oo ku fasira (kala saaridda diinta iyo dowladda).



Macnahaas oo luminaya asalka taariikhiga ah ee calmaaniyadda. Asagoo ka dhigaya cilmaaniyadda shay caam ah oo umadaha aduunka oo dhan ka dhexeeya am kowni ah (universal). Cilmaaniyadduna sidaas ma'ahan oo waxaa jirta ummad ay si gooni ah taariikh ahaan iyo fikir ahaanba ugu xiriirsan tahay.


Sababtoo ah waxaa taariikh ahaan sugan inay cilmaaniyaddu ku dhalatay Yurub. Gaar ahaanna inay kasoo bilaabatay oo la jaan qaadday kacaankii dalka Faransiiska ka dhacay sannadkii 1789kii.


Kacaankaas oo Yurub inteeda kale u hor seeday inay ku baraarugto kala saaridda kaniisadda iyo arrimaha siyaasadda iyo xukunka. Sababta arrintaas keentayna waxay ahayd ayadoo qaaradda Yurub ay dhib badan kala kulantay faragalinta joogtada ah oo kaniisaddu ay ku haysay arrimaha la xiira maamulka iyo siyaasadda.


Sababta ay kaniisaddu u faragalinaysay arrimaha xukunka iyo maamulka bulshadana waxay ahayd ayadoo isu arkaysa inay wakiil ka tahay Ilaahay oo magaciisa ay dhulka ku maamulayso.


Ayadoo baadariyaasha maamula kaniisaddana ay isu arkayeen inay yihiin dad muqaddas ah oo ka sarreeya dadka kale, si toos ahna ugu shaqaynaya waxyiga iyo jihaynta Ciise-masiix oo dabcan ay kaniisaddu ilaahnimo ka aaminsan tahay.


Sidaas darteed ayay baadariyaashu u faraglin jireen dhinac walba oo nolosha reer galbeedka ka mid ah, ilaa uu dhacay kacaankii Faransiiska oo bilow u ahaa dowladda cilmaaniga ah ee diiddan xukunka baadariyaasha.


AayadCilmaaniyadduna ka mad-hab ahaan markii siyaasadda laga gudbo, waxay qabtaa in diintu aysan ahayn aasaaska xaqiiqada, waxyiguna uusan ahayn shay xaqiiqi ah oo Ilaahay xagiis ka yimid.


Sidaas darteedna inaan diinta laga qaadan karin xaqiiqooyinka la xiriira asalka nolosha, jiritaanka Ilaahay, iyo nolosha dambe oo aakhro intaba. Sidaas caksigeed, waxay cilmaaniyaddu aragtaa.


in xaqiiqada kaliya ee jirta ay tahay midda la taaban karo oo dareemayaasha lagu gaari karo. Wixii aan la arki karin, la urin karin, la dhadhamin karin, la taaban karin inaysan ahayn wax xaqiiqo ahaan jira. Taasoo ah fikrad qaadashadeedu ay horseedayso in la diido wax walboo uu Ilaahay u waxyooday nabiyadiisa.


Sidoo kale fikirkaas wuxuu horseedayaa in la inkiro jiritaanka Ilaahay, khayrka iyo sharka ay diintu cayintay, iyo sidoo kaleakhlaaqda suuban oo ay diintu ina farayso. Waana halkaan meesha halaaga ugu wayn ee cilmaaniyada uu ka imaanayo (in akhlaaqdii suubanayd muran la galiyo oo laga dhigo shay qof walba uu sidii uu doono ka oran karo).


Sababtoo ah markii ay diintu marjic u tahay akhlaaqda, lama faro galin karo oo dood lama galin karo maadaama ay sidaas ku tahay shay Ilaahay xagiisa ka yimid. Markiise diintii laftirkeedii la duro, maxaa akhlaaqdii asal u noqonaya? Ma Hollywood iyo Harry Potter?! Marka aad u fiirsato cilmaaniyiinta ka soo jeeda dunida muslimkana waxaad arkaysaa in fariinta ugu wayn oo ay xambaarsan yihiin ay tahay: ku dayda reer galbeedka oo wixii asaga diin u ah diin ka dhigta, wixii uu neceb yahay naca, dhaqankiisana raaca adinkoo aan su'aal ka keenin!


Taariikh ahaanna, isticmaarkii reer galbeedka iyo adeegayaashiisii ayaa soo galiyay cilmaaniyadda dhulka muslimiinta. Dalalka ugu caansan oo albaabka u ahaa inay cilmaaniyaddu soo gasho dhulka muslimiintana waxaa ka mid ah Turkiga iyo dalka Masar. Dhanka Turkiga waxaa cilmaaniyadda halkaas khasab ugu soo rogay ninkii la oran jiray Mustafa Kamaal oo caan ku ah magaca (Ataaturk).


Ninkaas oo ahaa qofka riday khilaafadii Cuthmaaniyiinta ee taajka u ahayd muslimiinta caalamka oo dhan. Taariikhda Islaamka ee dalka Turkigana isku dayay inuu tirtiro, oo ku khasbay shacabka dalkaas inay qaataan dhaqanka reer galbeedka.


Dhanka kale, dalka Masar waxaa cilmaaniyadda si qorshaysan kusoo galiyay isticmaarkii Ingrisiiska oo dib-u-dajin ku sameeyay manaahijta wax barashada ee dalkaas asagoo kaashanaya (orientalist) miishinari ah oo la oran jiray Douglas Dunlop. Ninkaas oo dalka Masar u dajiyay nadaam wax-barasho oo cilmaani ah oo sabab u ahaa inay dalkaas kasoo baxaan cilmaaniyiin aad u neceb diinta Islaamka.


Dalalka ay cilmaaniyadda sida buuxda uga dhaqan gashay (sida dalalka reer galbeedkana) waxay caan ku yihiin burbur aad u wayn oo dhanka akhlaaqda ah. Bubrurkaas akhlaaqiga ah oo astaamihiisa ay ka mid yihiin sharciyaynta dacaarada (dhillonimada iyo dhillaysiga), sharciyaynta nimow-naagnimada (Homosexuality), dilitaanka ilmaha uurka ku jira (abortion), badalitaanka jinsiga qofka (Transgender) oo ah in qofka qalliin lagu sameeyo si'uu u isugu ekaysiiyo jinsi uusan ahayn, sida nin doonaya inuu naag noqdo ama naag doonaysa inay nin noqoto, iyo dhaqammo kale oo aad u foolxun oo aan la koobi karin.


Waxyaabaha ay caanka ku yihiin dadka cilmaaniyadda ka dhex wada dalalka muslimiintana waxaa ka mid ah ayagoo aad uga murma kana hor yimaada in la'isku xukumo shareecada Islaamka. Maadaama aysan dadkaas awoodin inay si qayaxan u inkiraan diinta Islaamkana, waxay ku andacoodaan in waxa ay diidan yihiin aysan ahayn shareecada, balse ay diidan yihiin qaabka shareecada ay u fasireen culimadda Islaamka. Sida inay yiraahdaan: diinta Islaamka ma diidanin, laakiin waxaan diidanahay wahaabinimada ama salafinimada iwm. xaqiiqaduse waxay tahay in waxa ay diidan yihiin uu yahay Islaamka laftrikiisa, laakiin ay midaas qarinayaan ayagoo ka cabsanaya shacbka ay ku dhex nool yihiin ee muslimk ah.


Culimada Islaamkana way ka digeen halista cilmaaniyadda, wayna cadeeyeen sida ay uga hor imaanayso diinta Islaamka maadama ay tahay mad-hab aan muslimiinta ah u ogolayn inay yeeshaan xukun ku dhisan shareecada Islaamka.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...