Maxaad ka og tahay Somaliland ta qarsoon ( Darbijiif)
Waa inamo iyo hablo , waa dad waaweyn iyo dad aad u yaryar , Waxa ay
u hoydaan gidaarada iyo dooxyada ( dixda ) , waxa ay quutaan maalinba
waxii ay helaan oo waxa ay cunto ka raadsadaan meelo aanad u quudheen
qof binu adam ahi in uu cunto ka raadsado , sida meelaha qashin qubka
iyo wax aan dhaamin.
Duruufaha iyo daranyada haysata dartood ayaa aanad u kala garanayn
wiil iyo gabadh midka uu yahay qofka aad arkaysaa , badhkood waxa laayey
gaajo , qaar ka mid ahi waxa ay ku dhinteen balwadaha xun-xun ee
nolosha darbijiifnimadu bartay , qaar ka mid ah dooxyada iyo laagaha
ayaa qaada marka roobku da 'o oo ay ku dhintaan.
Intooda badan ehelkood ma noola oo ma haystaan waalidiin, kuwa
waalidka lehi waa qaar uu waalidkoodii ay duruufuhu naafeeyeen oo ay ku
dareen Somaliland ta qarsoon ee aan indhuhu qaban , wadaad iyo wabiin,
madax iyo shacab cid u hadasha iyo cid arkaysaa aanay jirin, waxaana ay
ku nool yihiin magaalo kasta oo dalka ah.
Dadka darbijiifka ahi bulshada daryeel iyo diir nax midna Kama
helaan oo duruufta haysata iyo nolosha aanay iyagu dooran ee waayuhu
baday ayey cay iyo takoor ku mutaystaan, waxaana loogu yeedhaa dibjir
iyo xabaglayaal tusaale uu qofwaliba ugu soo qaato ilmihiisu in aanu
kuwaasi oo kale noqon !
Waxa ay la daris noqdeen dhaxanta , gaajada , silica iyo darxumada ,
damqasho way is daayeen oo nolosha dan kama laha , waayo waxa ay
arkayeen sidii ay ku baxeen qaybo badan oo iyaga ka mid ahi oo u dhintay
duruufaha la dariska ah , waxaana ay isku dhiibeen noloshaa
darbijiifnimada ah .
Cidii ay fursad u helaan uma damqadaan waayo mabay arag naxariis iyo
cid u damqata, iyagaaba isugu daran oo is dila , waxa ay u nool yihiin
sida loo kala itaal roon yahay in la isugu amar ku taagleeyo oo loo kala
adag yahay waxii la helana loo kala qaataa.
Noloshan tirsiga maalmaha iyo bilaha iyo ciidaha iyagu way ka baxeen
oo kuma jiraan , waxa ugu wanaagsan ama xasuus ku reebta maalinta uu
cunto helo laba goor oo ka mid ah sadexda wakhti ee wax la cuno iyo
kartoon ama joonyad uu cadceeda ama dhaxanta ka hoos gallo!
Waa dad u dhashay dalkan ay ku nool yihiin oo la xuquuq ah dadka
dalka ku nool , dawlad daryeesha iyo cid danaynaysa midna ma arkaan ,
marka laga reebo ciidamo caydhsada marka ay meelahaa magaalada soo
galaan mooyaane, maalmaha qaar waxaa dhacda in qaar ka mid ahi cid
dhibaato u geystaan ama olole lagu qaado dhamaantood oo la xidhxidho
inta loogu tago goobaha ay ku noolaayeen.
Dadka kale iyo iyagu ma kala wanaagsana , mana kala sareeyaan xaga
binu adanimada laakiin duruufaha iyo waayaha ayaa is kor mariyey oo ka
dhigay dad kala sareeya oo aan war isku hayn hadana dal iyo magaalo
kuwada nool iyaga oo ku kala jira Somaliland ta qarsoon iyo Somaliland
ta muuqata wax aan u bixiyey oo kala war la' a .
Waa dad iyagu hadii ay dhintaan, hadii ay xanuunsanayaan, hadii ay
dhibaatooyin kale haystaan cid og iyo cid dareemaysaa midina aanay
jirin waayo ; waa dad aan muuqan ama indhaha laga laliyo ,
dhacdooyinkani iyo noloshani maaha mid xikmad iyo macno la'aan ku socota
ee waa imtixaan lagu eegayo dadka inta kale iyo masuuliyada dawladnimo
iyo cid kasta oo iyaga dhaanta.
Muhamed Dhimbiil
+252634241005
Twitter @dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...