Cilmi Iyo Neef Hawo Ciddi Kama Dheregtee Koonku (Universe) Intuu Leeg Yahay Maxaad Ka Ogtahay? Qaybta 1aad
Koonka (the Universe) waxa uu ka kooban yahay Xiddigo, Meerayaal ama Dhulal, Dayaxyo, Dhagaxaan, Macdano, Daruuro Hawooyin Gaas ah, Qiiq, Godad-madow, Cir-madhan iyo waxyaabo kale oo Illaahay mooyee aanay ciddi weli garanahay,
Haddaba Koonka waxaynu kaga nool nahay hadaan kasoo bilowno Jabadka la yaalo waa
GURI inoo ah aqal aynu u hoyano oo ka kooban Qolal jiif iyo joog ah, gurigu waxuu ku yaalaa XAAFAD ku taala DEGMO ka mid AH Degmooyin MAGAALO, magaaladaas oo ku taala GOBOL kamid ah gobolo DAL kuyaala, Dalkaas oo QAARAD kuyaala, Qaaradaas oo kamid ah Qaaradaha Dunidan Dhulka guudkeeda ah,
DHUL guudkii oo ah Meere Afka qalaad loo yaqaano (Planet Earth).
MEERAHA
inoo Dhulka ah ee aynu ku guud noolyahay waxa uu ka midyahay 8 Meere oo
ku wareega Xiddigta inoo Cadceeda ah ama Qoraxdeena, waxa iyana
inagula wareega Cadceeda waxyaabo badan oo kale oo ay ku jiraan
Meerayaal yaryar oo Cilimo ah iyo walxo kale oo Dhagaxyo waaweyn ah,
kuwaas oo kasamaysan Macdano, Baraf iyo Dhagaxaan,
XIDDIGTA
inoo Cadceeda ama Qoraxda ahi waa Xiddig ka mid ah Goosan Xiddigo
malaayiin ah oo meel ku uruursamay oo looyaqaan (Galaxy Gaalaksi),
Xiddigteena Xiddigta ugu dhaw waa Xiddigo Saddex ah oo isku wareega
waxaana lakala yidhaahdaa 1,Alpha Centauri A, 2,Alpha Centauri B, iyo
3,Proxima Centauri, waxayna inoo jiraan 4 light Years ama afar sanad
ilays, waa inta xawaare uu ilaysku sanadkii jaro ama gaadho light year
ku ama sanad ilaysku markaa 4 sanad ilays, oo u dhiganta 24 trillions oo
mayl ama in ku dhow 24 milyan oo milyan oo mayl waa masaafo
dheer,haddii Dayax-gacmeed xawaare dheereeya loo rakuubsado si loo
booqdo cadceedahaa waxay inagu qaadan lahayd in ku dhow 200 oo sanadood,
se yaa da'diisa cimri intaa gaadhaa cidna, markaa xiddigaha inoogu dhow
ayaa intaa jirta, waxayna Culimada Saynisku xaqiijiyeen in Meerayaal ku
wareegaan xiddigahaas, oo haddii aad ku dul sugnaan lahayd Meere ka mid
ah meerayaasha in aad 3 hadh lahaan lahayd, 3 cadceed soo bax iyo 3
cadceed dhacna maalin walba arki lahayd, se Hubaal Gaalaksigeena ama
Goosankeena Xiddigo yaab leh wey ka buuxaan.
GOOSAN
keena ama Gaalaksigeena waxa loo yaqaanaa ( Milky-way) ama Wado caanood
ama Jid caanoole, kaas oo magaca lagasoo qaatay Roomankii oo u yiqiin
(via lactea) oo macnaheedu noqonaayo (wado caano ah) inkastoo kalmada
Gaalaksi ay Giriigu uga horeeyeen haddana magaca Goosankeena Roomankaa
loo nisbeeyaa inay bixiyeen, kuwaas oo sababta ay ugu magacaabeen
Goosankeena Wado Caano ah ay tahay muuqaalka cirka uu uga muuqdo Goosan
keenu oo ah Xiddigo isku cufmay oo wado cad aad moodo, Maadaama aynu ku
dhex jirno galaxy-ga ama Goosanka inooma wada muuqanaayo wuxuuna u
samaysan yahay isku warwareeg weegaarsan oo ah gacmo isku dul sarban
sidda Mushabaga oo kale, siddaa laajigeed Xiddigaha gudubka u taxan
waxay inoogu muuqanayaan siddii wado cad oo cirka ka jeexan, waana tay
Soomaalidu Wadadaa Cad u yaqaanaan (Halkuu Habaar Qabe Hooyadii Jiiday),
anigu garan maayo waxa loogu yeedhay Wadadaa caanaha ee cirka dhararan
inkaar Qabe se Dadku isku dhugasho iyo isku dhaqan maaha Bal amuurta
ilaahay.
Goosan
keena ama Gaalaksigeenu waa Gaalaksi balaadhan oo balaayiin Xiddigo ah
ka kooban oo cidhif ilaa cidhif isku jira 100.000 oo (light years) ama
ilays sanadood, maaha masaafo lagu qiyaasi karo kiiloo mitir iyo mayl
toona siddaa laajigeed xawaaraha sanadkii ilaysku jaro ayaa lagu
xisaabiyaa masaafooyinka kala fog ee hawada sare ee cirka, sidda lawada
ogsoon yahay koonkeena waxa ugu dheereeya waa ILAYSKA ama falaadhaha
iftiinka waxayna sanadkii jaraan xawaare dhan 5.88 trillions oo mayl ama
in ku dhow 6 milyan oo milyan oo mayl, waa xawaare dheer, ilbidhiqsigii
falaadhaha ilaysku aduunka waxay kusoo wareegaan 7 jeer iyo badh, halka
dayuuradaha jedka ah ee dheereeya ay halkii wareeg ku qaadato 41
saacadood iyo 7 mirridh,
Markaa Gaalaksigeenu waa mid aad u balaadhan inkastoo noociisa laga balaadhan yahay, Gaalaksigeenu waxa uu ka mid yahay koox gaalagsiyo ah oo laysku yidhaa……….. Lasoco Qaybta danbe.
Cilmi iyo Neef hawo
Ciddi kama dheregtee
Fuad Fartaag
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!