Qisadii heestii Yabaal ee Xasan Ganey Qalinkii Cabdi Cawiye

0
Sunday August 18, 2019 - 11:36:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qisadii heestii Yabaal ee Xasan Ganey Qalinkii Cabdi Cawiye

    Nolosha aduunka Kan aynu ku uumanahay waxa jira marwalba dad aad falkooda iyo foolaadkoodaba aad la yaabayso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nolosha aduunka Kan aynu ku uumanahay waxa jira marwalba dad aad falkooda iyo foolaadkoodaba aad la yaabayso.
Waxaad arkaysaa laba qof oo lamaane ah oo is jecel lkn haddana uu mid ka mid ahi ku kacaayo wax la yaab iyo amakaag ku rida qalbigiisa waana mid inbadan aynu aragno.

 Waxaad arkeysaa ruux rag ah oo marka uu reerkiisa la joogo giir iska kicinaaya oo ooridiisa xalaasha u ah aan erey kalgacayleh aan odhanayn ilaa hadalada Soomaalidu ku caanka tahay Monyaane.


 Taas oo kale abwaanku isagoo ka waramaaya sida ay heestu ku baxday wuxuu yidhi
 " waxa jira dhacdooyin yaab leh oo bulshada ka dhex dhaca, hasayeeshee dadka dhugta ama dhaadaa ay aad u tiro yar yihiin. Sidaa awgeed, waxaad arkeysaa mararka qasrkood, ruux dumara oo dhigeeda ninka ah aad u jecel ku indho kuulata , oo og inuu isaguna jecel yahay aad iyo aad. Hayeeshee , ficiladiisa ayaa noqda wax ay qaadan kari weydo oo ka yaabiya".

 Sida inuu dumar kale iskala kaftamo isagoo aan waxba uga jeedin.
 Inuu iska khushuucsanaado iyadoo faraxsan Iwm.
 Arrimahaasi waa qaar aad u dhex yaala bulshadeena Somalida
 Wuxuuna yidhi sidan

 Adigaan ku yaadshaa,
 Ku yaboohiyaa weli,
 Yuuskana adaa i baray,
 Yablas-ciille igu riday,
 Adiguna yaqiintii,
 Qalbigeenii wada yiil,
 Yeelahaad u goysee,

 Xageebuu yabaal,
 Kaaga yeedhayoo,
 U yahoonsan tahay,
 Iga yaabsatee?

 Adigaan ku yeeshoo,
 Kuna yeelan waayoo,
 Adiguna yahuuntii,
 Yacaygeedii dumisaye,
 Anna waxaan yaxoobaa,
 Weli yuururaa meel,
 Shimbiruhu ka yaaceen,

 Halkeebuu yabaal,
 Kaaga yeedhayoo
 U yahuunsantahay
 Iga yaabsataye?



 Qalinkii Cabdi Cawiye
 +252634115877
 [email protected] 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...