Madaxweyne Deni Oo Magacaabay Guddida Ku Meelgaadhka Ah Ee Doorashooyinka Puntland

0
Saturday August 17, 2019 - 18:06:26 in News by
  • Visits: 1140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Deni Oo Magacaabay Guddida Ku Meelgaadhka Ah Ee Doorashooyinka Puntland

    Madaxweyne Deni Oo Magacaabay Guddida Ku Meelgaadhka Ah Ee Doorashooyinka Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Deni Oo Magacaabay Guddida Ku Meelgaadhka Ah Ee Doorashooyinka Puntland


Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 58, Ogoosto, 17, 2019 ku magacaabay Guddiga ku-meelgaar ka ah ee Doorshooyinka Dowladda Puntland.


Madaxweynaha Dowladda Puntland.



Markuu arkay: Qodobka 80-aad iyo lifaaqa kowaad firqadiisa koowaad ee Dastuurka Dowladda Puntland.


Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda.

Markuu arky: Qoraalka Sumaddiisu tahay


XGGW/DPL/85/2019 kuna taariikhaysan Ogoosto 14, 2019, kuna saabsan soo gudbinta xubnaha afarta ah ee golaha Wakiilladu soo sharaxeen.


Markuu garawsaday: baahida looqabo in la magacaabo Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland, si loo dar-dargeliyo geeddi socodka nidaamka dimuquraadiyaynta Puntland.


Wuxuu Xeeriyey.


Wuxuu Magaacay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland oo ah sagaalka xubnood ee hoos ku qoran.


1. Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq
2. Sahra Jaamac Saalax
3. Cali Jaamac Faarax
4. Cabdullaahi faarax Mire
5. Cabdullaahi Cabdi Ducaalle
6. Guulleed Saalax Bare
7. Jaamac Xirsi Faarax
8. Xafso Salaad Maxamed
9. Cadirisaaq Axmed Siciid.


Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna Saxiixay Madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

Loading...
Loading...