Muu Waarin Balse Taariikh Iyo Dhaxal Ma Guuraan Buu Ka Tegey

0
Saturday August 17, 2019 - 16:52:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1448
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muu Waarin Balse Taariikh Iyo Dhaxal Ma Guuraan Buu Ka Tegey

    Sida laga wada dheregsan yahay halgankii ay reer Somaliland madaxbannaanidoodii dib ugu la soo noqdeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida laga wada dheregsan yahay halgankii ay reer Somaliland madaxbannaanidoodii dib ugu la soo noqdeen

 dad badan, oo rag iyo dumar ba leh, baa u dhintay. Qaar baa u dhaawacmay, qaarna way u naafoobeen. Carruur baa u agoomowdey, hooyooyin baa u goblamay. Marwooyin baa wiil iyo walaalba ku waayey, hengelna u qaaday. Qaar baan Eebbe waxba kala kulmin oo aanu il saxar kaga dhicin.


Intii aan la bixin, dad badan, oo rag iyo dumarba lahaa, baa arrintaa darteed loo diley, hooyooyin baa jeelalka ku dhex ummulay, qaarna waa loo xidhxidhay oo xabsi daayin baa lagu xukumay.



Qurbajoogtu, runtii, halgankii umay yaraysan. Qaarkood  jeebadda ayey ka dagaalameen. Qaar kalana, gudo iyo debedba, guubaabada, hayaay ka kacaayda iyo xadhka xidhka ayey ku hawlanaayeen.


Arrinta haddaba yaabka lihi waa kolkii la guushi dhalatay waa la wada yeeshay. Mujaahidkii dhabta ahaa ee ay naftu ku qasabtay inuu kaadidiisa cabbaa isma sheego, dadkuna ma sheegaan. Hayeeshee, fuleygii, waxma tarahii iyo dabin ka boodkii baa cid walba guushii ka sheeganaya oo  ayagu isku tilmaama inay yihiin kuwa kaadidooda u soo cabbay guushaa iyada ah.


Intii haddaba sida dhabtaha dagaalka ugu jirtay, rag iyo dumarba, innaga oo mahad aan la koobi Karin ugu hayna, ayaa wixii ay qabteen qaarna la sheegaa, badhna la sheelaa. Sidaasi awgeed waxaan jecleystay inaan idin la wadaago qoraallo koobkooban oo taxane noqon doona oo aan wax kaga sheegi doono waxqabadkii iyo taariikh nololeedkii mujaahidiin dhawr ah oo aan u arko in waxqabadkoodii la sheelay, haddase la gaadhay xilligii ay dadweynuhu ogaan lahaayeen wixii ay qabteen ama qofkastaa wixii uu qabtay.  Waxaanan qoraalkan ku bilaabi:


Mujaahidka 1aad

Aan ku bilaabee, sida aan kor ku xusay, waxaan qoraalkan wax kaga sheegi taariikh nololeedkii mujaahid ka mid ahaa mujaahidiinta dalka u soo halgamay iyo waxqabadkiisii dhaxalgalka ahaa ee uu dadkiisa iyo dalkiisa u qabtay intii uu noolaa.

Mujaahidka aad isweydiineysaan ama sugeysaan waa Mujaahid, Maxamed Cabdillaahi Faarax ‘Fani’. Marxuunku wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ururkii SNM ee dalka ka xoreeyey maammulkii macangagga ahaa ee Siyaad Barre.


AHUN Marxuunku muu ahayn dadka is sheegsheega ee hawl qabadkiisa magaca ku doono. Intii qof kastaa dantiisa iska watey.  Marxuunku, Alle Naxariistiisa Jano ha geeyee, G/le Sare Maxamed Cabdillaahi Faarax "Fani”, wuxuu ahaa nin qaranka Somaaliland hawlweyn u hayey, qarankana abaal weyn ku leh, balse aan weli abaalkiisa looga mahad celin, lana xusin taariikhdiisii qaranimo iyo dadaalkii wadaniyadeed ee uu ku lahaa mudadii iyo waayihii kala duwanaa ee uu ku jirey halgannadii kala duwanaa ee taariikhda Somaliland soo martey.


Madaxweynihii labaad ee JSL Marxuun Maxamed Ibraahin Cigaal baa Eng. G/le Sare Maxamed Cabdillaahi Faarax ‘Fani’ u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga. Waxaanu jagadaasi hayey ilaa intii uu Xaqu ka helay oo ahayd dabayaaqadii maammulkii Madaxweyn Daahir Riyaale Kaahin.


Intii uu haddaba xilka hayey Marxuunku wuxu qabtay oo uu hirgashay hawl uu qaranka Somaliland ku tanaaday, maraggeedana qof kasta oo reer Somaliland ahi xilli kasta uu indhihiisa ku arko hayeeshee aanu dhaadin isna weydiin cidda aragtidaa iyo hawlqabadkaasi soo kordhisay.


Darajooyinka ciidammadeennu, kuwa qaran, badda, bileyska, iyo asluubtu, ku lebbistaan ee garbahooda ka lushaa waa waxqabadkii Eng. G/le Sare Maxamed Cabdillaahi Faarax ‘Fani’. Faahfaahinta taariikh nololeedkii iyo waxqabadkiisii Mujaahidka ka akhriso Warsidaha HERER ee halkan ku lifaaqan.


Run ahaantii, isaga oo keliya ma aha haldoorka la illoobey kaalintoodii balse waxaa jira kuwo badan oo la mid ah oo nool ama geeriyadoodey oo aan helin abaalkii qarankooda ay ku lahaayeen, taariikhdoodana aan la qorin dibna loo eegin. Arrimahaasi waxay ka mid yihiin dhaliilaha qaran, bulsho iyo shaqsiyadeed ee aynu leenahay ee Jira.


Arrinku siduu doonaba ha ahaadee, maanta markaad Somaliland dhexjoogto waxaa kuu muuqanaya markhaati marag ma doon ah oo ku saabsan Waxqabadkii Marxuun G/le Sare Maxamed Cabdillaahi Faarax ‘Fani.  Sidaasi awgeed, Saraakiil, Saraakiil xigeen, iyo Alufleyda Ciidammada Somaliland ee kala duwan darajooyinka garbahooda ka muuqdaa waa hal abuurkii, naqshadeyntii (design) wanaagsanayd u sameeyey Marxuunku.


Guntii iyo gunaanadkii, qoraalkan kooban ee aan u bixiyey: Muu Waarin Balse Taariikh iyo Dhaxal Ma Guuraan Buu ka Tegey, waxaan kaga hadlay oo aan rabay inaan dadweynaha ku baraarujiyo inay jiraan muwaaddiniin dadkeenna iyo dalkeennaba wax u qabtay oo innaga mudan xus iyo xasuus hayeehee aan laga hadal waxqabaadkooda iyo taariikhnololeedkooda toona. Qoraalkanna waxaan ku xusay oo tusaale u soo qaatay (AHUN) Eng. G/le Sare Maxamed Cabdillaahi Faarax ‘Fani’, ahaana Agaasimhihii Guud ee hore ee Waaaradda Gaashaandhiga sida aan hawlqabadkiisa dawladaheennu u xusin iska daa in la xushumeeyo oo loogu magacdaro, tusaale ahaan, xarumaha ciidammada dalka, dugsiyada ciidammada lagu tababaro, iwm. Waxaana ayaanadarro ah in, sida ilo lagu kalsoonyihiin noo sheegeen, dad kale lagu naasnuujiyo oo qandaraas lagu siiyey soo iibinta darajooyinkii uu Marxuunku ku hadh iyo habeen u soo jeedi jirey.


Hadal waa gune, waxaan runtii soo dhoweynayaa cid alla ciddii haysa cid nool ama xaquba helay oo ummadda wax u qabatay oo jecel inay hawlqabadkooda annaga iyo daweynahaba la wadaagaan. 

 

Mahadsanidin dhamaantiin

M J Farah

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...