'' Maxaa Daran Maxaa Dana ''.

0
Saturday August 17, 2019 - 16:39:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Maxaa Daran Maxaa Dana ''.

    Heshiiskii ay sadexda Xisbi wada galeen , anigoo ku saleeyey khibradayda kooban iyo aqoontayda aan badnayn ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Heshiiskii ay sadexda Xisbi wada galeen , anigoo ku saleeyey khibradayda kooban iyo aqoontayda aan badnayn ,

waxaan si saraaxadle halkan iyo Idaacadahaba uga cadeeyey in uu yahay Licib saqiir aan soconayn , xili dad badani heshiiskaa u dabaal dagayeen .


Maanta iyo siddii wax u dhaceen .

Golaha Wakiiladdu in uu go'aan qaato xaq buu u lahaa , heshiiskana in uu ansixiyo xitaa codsi ahaan looguma qorin , hassa yeshee wax kale ayaa jirra .



Arrinta lagga hadlayaa maadaama ay tahay arrin masiiriya oo ku saabsan fardaaminta mushkilada doorashadda wakiiladda ,waxay ahayd in goluhu ka doodo , mudanayaashuna aaraahdooda is waydaarsadaan , ka dibna ugu yaraan wiig ka dib cod loo qaado .


Sidda maanta wax u dhaceen markaad 3 meelood ka agteena waxaa muuqata in golaha iyo xisbigga kulmiye oo u badan goluhu ay ka wada socdeen sidda wax u dhacaan sababto ah .


1- Gudoomiyaha Golaha iyo ku xigeenadoodu waa xisbiga Kulmiye iyaga ayaana golaha hogaaminayay .


2- La taliyuhu xaq uma lahayn in uu golaha hadal ka horjeediyo , wixii la waydiiyana qoraal ahaan ayuu kaga jawaabi karaa , waayo isagu maaha mudane lasoo doortay , laakiin waa shaqaale .


3- Goluhu markiiba wuxuu galay fasax , halkaasina waxay muujinaysaa sidda wax loo habeeyey .

Si kastaba ha ahaatee , Xisigga Waddani laba qodob ayaa la gudban .


1- In uu siddii ku qorayd qodobaddii heshiiska ogolaado in 7 xubnood oo komishana lasoo magacaabo , golaha cusubna heshiiska dib loo horgeeyo .


2- In xukuumadda ay ku cadaadiyaan qabsoomidda doorashada , tallo iyo tamarna isugu geeyaan in ay xukuumadda doorashada ku qasbaan .


Xukuumadda iyada maanta hal qodob ayuun baa la gudboon , aduunyaduna ka dhagaysanaysaa , halkaa qodobna waa doorasho for only doorasho , waxaan doorasho ahayni kama iibsamayaan .


W/Q: Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...