Wakiilada Beesha Caalamka Oo War Digniin Ah Ka Soo Saaray Doorashada Maamulka Jubboland
Kismaayo(HWN):-Wakiilada beesha caalamka eek u sugnaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubboland ayaa war ka soo saaray doorashada madaxtinimada ee maamulkaasi.
Wakiilada oo ka socday midowga Afrika, IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxay kaga digeen in haddii aan xaaladda cakiran xal loo helin ay xasillooni-darro u horseedi karto maamul goboleedka Jubbaland.
Wakiiladan beesha caalamka ayaana ku baaqay in nidaam kaliya oo laysla ogol yahay loo maro hanaanka doorashada maamulka jubboland.
War-saxaafadeed ka soo baxay xubnaha ayaa ka dambaysay markii ay magaalada Kismaayo shalay kula kulmeen madaxda siyaasadda ee maamulka Jubbaland iyo kuwa mucaaradka.
Xubnahaasi waxaa ay dhinacyada ugu baaqeen in ay ka figaadaan wixii keeni kara gacan ka hadal, isla markaana khilaafkooda ay ku xalliyaan si nabadgelyo ah.
Waxaa muuqaneysa in wali is afgarad buuxa aan laga gaarin khilaafka ka dhashay doorashada iyo sidii laga yeeli lahaa musharixiinta wali doonaya in ay ka qeybgalaan doorashada laakiin guddigu ay ku xireen sharuudaha adag.
Doorashada hoggaanka maamulka Jubbaland ayaa lagu wadaa inay dhacdo 19-ka bishan Ogosto, hase ahaatee musharrixiinta mucaaradka ayaa iyagana laga cabsi qabaa inay doortaan hoggaan u gaar ah.