Dawlada Sucuudiga Oo Shaacisay Go'aan Ay Ka Qaadatay Shirarkii Siyaasiga Ahaa Ee Ay La Qaadan Jirtay Madaxda Islaamka Ee Xajka Timaada
Riyaadh(HWN):-Dawlada sucuudiga ayaa shaaca ka qaaday inaanay sanadkan arimo siyaasadeed kala hadlayn madaxda wadamada islaamka ee u yimid gudashada waajibaadka xajka.
Amiirka mandaqada Makkah Al-Mukarama ee wadanka sucuudiga Amiir Khalid Binu Faysal Binu Cabdulcasiis Al Sucuud oo la hadlay warbaahinta dalkaasi ayaa sheegay in masuuliyiinta dawladu aanay wax siyaasad ku saabsan kala hadlay madaxda wadamada islaamka ee sanadkan u yimid gudashada waajibaadka xajka.
Amiir Khalid oo ka hadlaya go’aanka dawlada sucuudiga ayaa waxa uu yidhi "Walaalaha hogaamiyayaasha dalalka Islaamka ah ee u yimid Sacuudi Arabiya gudashada waajibaadka cibaadada xajka, socdaalkoodu intaasi ayuu ku egyahay" ayuu yidhi Amiir Khalid.
Sidoo kale Amiir Khalid oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey " Siyaasad ahaan Sacuudi Arabiya waa ka mamnuuc in qisdiga xajka lagu dhex walaaqo arrimo siyaasadeed”.
Go’aankan ay dawlada sucuudigu qaadatay ayaa meesha ka saaraya suurta galnimada kulan dhexmari kara madaxda sucuudiga iyo madaxweynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi oo sanadkan ka mid ah xujaajta soo gudanaysa waajibaadka xajka.
Tani waxay meesha ka saaraysa kulan dhex mara madaxda Sacuudiga iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdiga uu hogaaminayo