Beesha Caalamka Oo War-saxaafadeed Ka Soo Saaray Jubbaland.

0
Friday August 16, 2019 - 15:25:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka Oo War-saxaafadeed Ka Soo Saaray Jubbaland.

    Wakiillada Midowga Afrika, IGAD iyo Qaramada Midoobay oo shalay booqasho ku tagay magaalada Kimaayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiillada Midowga Afrika, IGAD iyo Qaramada Midoobay oo shalay booqasho ku tagay magaalada Kimaayo ayaa ka digay in haddii aan xaaladda cakiran xal loo helin ay xasillooni-darro u horseedi karto maamul gooleedka Jubbaland. Xubnaha ayaa ku baaqay in hannaan keliya loo maro doorashada.


War-saxaafadeed kasoo baxay xubnaha ayaa ka dambaysay markii ay magaalada Kismaayo shalay kula kulmeen madaxda siyaasadda ee maamulka Jubbaland iyo kuwa mucaaradka.



Xubnahaasi waxay dhinacyada ugu baaqeen inay ka figaadaan wixii keeni kara gacan ka hadal, isla markaana khilaafkooda ay ku xalliyaan si nabadgelyo ah.


Doorashada hoggaanka maamulka Jubbaland ayaa lagu wadaa inay dhacdo 19-ka bishan Ogosto, hase yeeshee musharrixiinta mucaaradka ayaa iyagana laga cabsi qabaa inay doortaan hoggaan u gaar ah.

Loading...
Loading...