Kaftanka maanta , Garxajis iyo Siyaasiyiintiisa...W/Q Axmed Nuur Guruje

0
Thursday March 14, 2019 - 18:48:33 in Articles by
  • Visits: 2687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaftanka maanta , Garxajis iyo Siyaasiyiintiisa...W/Q Axmed Nuur Guruje

    Kaftanka maanta , Garxajis iyo Siyaasiyiintiisa...W/Q Axmed Nuur Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaftanka maanta , Garxajis iyo Siyaasiyiintiisa...W/Q Axmed Nuur Guruje

Beel waliba dhaqan bay leedahay iyo hiddo u gaar ah , kaasoo ay la wadaagto beelaha qaarkood , kuwo kalena ay kagga duwantahay , arrintaas oo ah mid iska dabiiciya oo ay sababtay deegaanta iyo duruufuhu .

Sidaa markay tahay , Garxajisku waa Beel xoolo dhaqato u badan oo dhaqankeedu ku arooro reer guuraa iyo miyi , sidaas darteed , dhaqankeeda waxaa u sal ah , Gabayadda , Geela iyo xoolo dhaqashadda .

Sidaa darteed , bulsho ahaan waxaa mar walba u dabeecada in ay ka sheekayso Abwaano horre , dagaalo horre iyo waayihii dadkii Soomaaliyeed uu waayaddi horre ku noolaan jireen .

Hassa yeeshee , amarka Ilaahay , siyaasiyiinta beeshan soo maray ilaa 1960 soo maray , gaar ahaan kuwii hogaanka u qabtay , weli lama hayo , Hogaamiye dhaqanka beeshan jila , kaasoo markoo hadlayo soo qaato gabayaddii Cabdi gahayr , Gabayadii Yawle ama kuwii Qawdhan Ducaale , siddoo kale lama arkin , hogaamiye ku maahmaahaya Murtidii Suldaan Diiriye iyo Dhalin ileeye , sidoo kale , weli lama hayo siyaasi beeshan ka yimi oo goleyaasha isla soo taaga hawraar ku dhisan Faan , Hanjabaad iyo baanise , hassa yeeshee hogaanku wuxuu u badnaa ilaa C/raxmaan Axmed Cali , Jaamac Maxamed Qaalib ilaa yawmunaa hadaa , Hogaan reer magaala oo aan waxba dhaqanka beesha iyo taariikhdeeda ka aqoonin , sidaa darteed beesha iyo madaxdeedu aad isuma afyaqaaniin .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...