Geel Haddii La Kala Qaadi Jiray, Maanta Laga Guur, Guryo Iyo Dhul Boobaa Bedelo, Galay Halkiisiiye

0
Friday August 16, 2019 - 14:43:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geel Haddii La Kala Qaadi Jiray, Maanta Laga Guur, Guryo Iyo Dhul Boobaa Bedelo, Galay Halkiisiiye

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).


SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA

 

GEEL HADDII LA KALA QAADI JIRAY,MAANTA LAGA GUUR,

GURYO IYO DHUL BOOBAA BEDELO,GALAY HALKIISIIYE,

GURMADAN DHAMANIYO,DHACBAA GOOBKASTABA TAGAN,

GODOBTIYO DHIBKUNA,WAA TABTII GOLENA LOO YEELAY.

 

GARTANA KII ADUUN HAYSTAY BAY,GARABKA SIISAAYE,

GARDARADA AYAA GARAB HESHO,GUUSHA LA HULEESHA,

JEEB GUDHANI WUU GAABIYOO,GOOFNA HELI WAAYE,

GELIN QUDHA DARAAN XOOGSANO,GAADHIN DIBADAANA.

 

AYAA GAADHIYAAL QAALIYIYO,GURIYO DHAADHEER LEH.

GUULUHU WAX WUU SIIN KARAA,GAAJO DUUL QABAYE,

GURACNAANTA MAAL LAGU HELAAN,MEESHA GELAHAYN,

GEEDI WEEYE DUNIDANI NINKII,GODOB KU MAALOOW.

 

GODKA AAKHIRANA WAXAD LA GELI,LABA GO’ WEEYAAN,

OON GININA KAA RAACAHAYN,XOOLAHAAD GURATAY,

GASHI AADMI KUGU LEEYAHAAN,LAGA GAYOONAYNE,

GOORI-GOOR INTAY TAHAY,ISDHWR WAA GABAABSIYE.

            ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...