Muxuu Ku Xidhan Yahay Mukhtar Ali Adan ( Abdi-shotaly).

0
Friday August 16, 2019 - 14:40:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2028
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Ku Xidhan Yahay Mukhtar Ali Adan ( Abdi-shotaly).

    Inta aanan idiin gudda gelin xaq daradda, shalay oo taariikdu ahayd 15/08/2019 lagu xidhay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta aanan idiin gudda gelin xaq daradda, shalay oo taariikdu ahayd 15/08/2019 lagu xidhay,
bal marka hore aan idiin sheego wuxuu yahay Mukhtaar Ali Adan, waa nin u dhashay Gobolka Awdal, beel ahaan ka soo jeedda Samaroon, gaar ahaana Makaahiil Dheere, waa nin da' yar oo xaas iyo caruur leh, mutacalim ah, waa aqoon yahan il-dheer garad ah, oo weliba ay u dheer tahay Suxufinimo ay ku dheehan tahay fara-shaxanimo, xaq u dagaalan, run sheeg, dulmi diid, wadaninimo, dal jacayl, sinaan iyo cadaalad loo siman yahay, guud ahaan ummadda reer Somaliland, meel ay joogto-ba, waa nin yar oo furfuran, firfir-coon, kana soo hor jeedda Xumaanta iyo colaad abuurka lagu beeraayo shicibka walaalaha ah, ee in gaar ah lala coloobay iyo Gobolo khaas ah. Yey ila taraarine bal aan dib ugu noqdo bal sababta shalay loo xidhay.

 

Mukhtaar wuxu ku xidhan yahay, sidda loo sheegay weeyee, Waxa amar ku soo bixiyey xidhi-gaagga, Kan sheegta in uu yahay ka ku xiga askariga la yidhaaho " Raggii ma adigaa ka hadhay" Ee ku magacaaban Madax-weyne ku/xigeen ( Waa ka ay yidhaahaan Saylici), looma soo goosan waaran lagu xidho, dhabo kale oo sharci ahna looma soo marin, denbi uu galayna looma sheegin, waxa la yaab leh hadaba, wadan dhan oo la odhanaayo haddii aad qof iska maagto, ha la ii soo xidho, ka bacdina lagugu ridaayo jeel, oo xaalku yahay iska aamusii yaanu ku kashifine.  Mukhtaar Wax denbia oo uu galay laguma hayoo, ee waxa weeye mxaad runta u sheegaysaa, ee waxa aanu walaaqanayno ee beenta ah, aad dadka ugu bayaaminaysaa, ama aad xaqiiq-dda dalka ka jirta iyo waxa aanu samaynayno aad u kashifaysaa. waxay diidan yihiin in ummadda loo soo bandhigo, boobka lagu hayo hantiddii ummadda, eexdda iyo qabyaaladda daaha goosatay, taas oo in yar lagu masruufo, inta kale-na lagula dhaqmo, iska xidh waa reer hebele, ma aha reer-keena. Yaa u dirtay xaqa ee yidhi ka hadal. mukhtaar Cali Adan, waa nin ummadiisa u hadla oo aan nina u jooji-nayn, ee siddii rabbi yidhi xaqa u cadeeya u sheega.

 

Waxa la yidhi " Awr layli biyo kashii ku jira buu ka didaaye" Shalay saacadu marakay ahayd Boorame 9:30 subaxnimo, oo ku beegnayd maalin khamiiis ah, taariikh-duna ahayd 15/08/2019, baa Mukhtaar Ali Adan ay ugu soo daateen gurigiisa, isagoo dhex jooga xaas-kiisii iyo caruur-tiisii, oo si argagax-nimo leh ay u qafaasheen xishood la'aan, waxa ay ku sheegaan RRu,  beelo gaar ahna loo isticmaalo sidda Samaroon, Mataanaha, Harti iyo Gabooye, hadaan soo koobo waxa ay yihiin , oo aan diin iyo iimaan, dadnimo, midna aan lahayn, ee caqli-goodu yahay  maxaad dhuunta marisaan oo keliya. Waxan ku soo xidhay haddii aan dedg-deg loo sii dayn, nin-kaas Illaahay iyo ummadiisa u daacadda ah ee Dr Mukhtaar Cali Adan, ugu dambayn maalinta axadda ah, waxan u gudbin doonaa Hay'yadaha caalamiga ah Sidda Amnesty international iyo Human rights-ka, kuwaas oo u dooda Xuquuql-insaanka.

* N.B Awr Layli Biyo Kashii Ku Jira Buu Ka Didaa!

Qore:- Abdi-shotaly.

 

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...