Gudoomiyaha Degmada Xaaji Saalax Oo Hambalyo U Diray Ardaydii Natijada Fiican Ka Keentay Gobolka Daadmadheedh
u gashay gobolka daadmadheedh, gaar ahaan ardayda degmada Xaaji Saalax oo safka hore kaga jirta ardayda dhibcaha sare ka soo hooyey imtixaanka shahaadiga ee Qranka Jamhuuriyada Soomaliland ee fasalada 8aad ee dugsiga hoose/dhexe iyo fasalka 4aad ee dugsiga Sare .
Fasalka 4aad ee
dugsiga sare waxa imtixaanka u fadhiistay degmada Xaaji Saalax 13arday oo imtixaanka gobolka Daadmadheedh ka galay kaalmaha hore , halka aradayda fasalka 8aad ay dhamaayeen tirada u fadhiisatay
imtixaanka 35 arday oo 7 ka mid
ahi ay kaalmo ugaleen gobolka Daadmadheedh, waxa ay degmada Xaaji saalax safka hore kaga jirtaa
hogaaminta dhibcaha imtixaanka
shahaadiga ah ee gobolka Daadmadheedh.
Waxa aan halkan uga mahad celinayaa macalimiintii
ardayda wax soo bartay ee ku
bixiyey judiga iyo dadaalka joogtada
ah. Waxa kale oo aan u mahad naqayaa
waalidiintii ku soo tabacday ardayda iyo quba joogta degmada oo iyana kaalin mugleh ka qaatay in ay ardaydaasi
waxbartaa.
Ugu danbayntii waxa aan u mahad naqayaa madaxweynaha iyo wasiirka waxbarashada iyo gudoomiyaha madaxa xafiiska imtixaanaadka qaranka Jamhuuriyada Soomaaliland mudane : Daauud Axmed Faarax sida fiican ee ay imtixaanka u maamuleen ee ay caaladu ku dhisnayd ee ay uga qayb qaateen imtixaanaadka qaranka .
Wabilaahi Towfiiq
Cali Muuse Faarax Gudoomiyaha degmada Xaaji Saalax
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!