Baarlamaanka Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Fadhi Deg Deg Ah Layskugu Yeedhay Iyo Sababta Keentay
Baarlamaanka Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Fadhi Deg Deg Ah Layskugu Yeedhay Iyo Sababta Keentay
Jigjiga(HWN):-Baarlamaanka dawlada deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa layskugu yeedhay fadhi deg deg ah oo aan caadi ahayn.
Fadhiga baarlamaanka dawlada deegaanka soomaalida ayaa loogu baaqay in fadhi aan caadi ahayn ay iskugu yimaadaan maalinta sabtida ah, iyada oo aan la cadayn ajandaha la horkeeni doono ee ay ka doodi doonaan.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaanada baarlamaanka deegaanka soomaalida Itoobiya la horkeeni doono xubnaha cusub eek u soo biiray golaha wasiirada ee maamulkaasi oo ay codka kalsoonida u qaadi doonaan iyo in la hor dhigo wax ka badal lagu samaynayo qaab dhismeedka xafiisyada heer deegaan ee maamulkaasi.
Loading...
Loading...