Dawlada Soomaaliya Oo Go'aan Ka Gaadhay Heshiis Wasaarada Shaqadu La Gashay Dhigeeda Turkiga

0
Friday August 16, 2019 - 13:40:53 in News by
  • Visits: 1421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Go'aan Ka Gaadhay Heshiis Wasaarada Shaqadu La Gashay Dhigeeda Turkiga

    Dawlada Soomaaliya Oo Go'aan Ka Gaadhay Heshiis Wasaarada Shaqadu La Gashay Dhigeeda Turkiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Go'aan Ka Gaadhay Heshiis Wasaarada Shaqadu La Gashay Dhigeeda Turkiga


Muqdisho(HWN):-Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu ammaanay guulaha xooggan ee ciidamada xoogga dalku kasoo hooyeen furimaha dagaalka iyo howl-gallada kale ee lagu baacsanayo argagaxisada.




Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisaka XFS oo ka war bixiyay kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in goluhu uu si gaar ah u bogaadiyay guulaha ay ciidanku kasoo hooyeen dagaalkii degmada Awdheegle iyo jabka ay gaarsiiyeen argagaxisada.


Intii uu shirku socday ayaa golaha wasiirradu waxa ay ansixiyeen is-afgarad u dhexeeya wasaaradaha Shaqada ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.


Golaha wasiirrada ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay saameynta dhaqaale ee bulshada Soomaaliyeed uu ku yeelanayo qaraarka tirsigiisu yahay 1267 ee hor yalla golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

—DHAMMAAD—-

Loading...
Loading...