Reer Ceelafweynoow, Curadadeeni, Laysee Cadawna Waydin Sugayaa.
SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,
BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
REER CEELAFWEYNOOW,CURADADEENI LAYSEE,
CADAWNA WAYDIN SUGAYA,CIDHIBTIINA EEGO,
CAQLIGI DALKENIYO,CUQAALIYO SULAADANABA,
CULIMADEENI DIIDOO,CIIDANKIINA MA LAYSEEN.
CAYAYAAN DHEGOLE AH,ISKUDHALAY CAWANO,
CABSIDII ILAAHIYO,CAMAL KHAR LEH NACAYOO,
CAARKODIYO DHALAANKI,CIDNA XEERINAYNOO,
CASIIS XADHIGI GOOYOO,CIIDINA DACWOOTAY.
CARUURTIYO HAWEENKIYO,HADDAY CULIMO LEEYIIN,
CIDHIF HA LOOGA SOOCO,CALAACAL LOOMA BAAHNE,
CAAQIIBO MALAHOO,CAAMO WEEYE BAHALO AH,
CIIDAMADA KU CELIYO,CAGTA MARIYA LABADABA.
CEEBTOODU HAYNA DAYSOO,CIYAALKOODA KORINEE,
CAAJISEENTA GOLAHIYO,DADKU KUU CUMAAMADAY,
CADAALADII KA BAQATOO,CEEB BAYDIN RAACDAYE,
CUQUBAA DUGSANAYSANE,CAYNKAN MAYSU DHANTAN.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!