Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Ganafka Ku Dhuftay Laba Codsi Oo Weftiga Beesha Caalamku Hor Dhigeen

0
Thursday August 15, 2019 - 16:27:17 in News by
  • Visits: 3140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Ganafka Ku Dhuftay Laba Codsi Oo Weftiga Beesha Caalamku Hor Dhigeen

    Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Ganafka Ku Dhuftay Laba Codsi Oo Weftiga Beesha Caalamku Hor Dhigeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Ganafka Ku Dhuftay Laba Codsi Oo Weftiga Beesha Caalamku Hor Dhigeen


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa ganafka ku dhuftay laba soo jeedin oo uga timid madaxda beesha caalamka ee Kismaayo ku sugan.




Wefti ka socda beesha caalamka oo gaadhay magaalada Kismaayo ayaa madaxweyne Axmed Madoobe u soo jeediyey inuu wax ka badalo shuruudaha lagu xidhay murashaxiinta ka qayb gali karta tartanka doorashada madaxweynenimo in fursad ay isku diwaan geliyaan la siiyo murashaxiinta mucaaridka ah ee danaynaya inay ka qayb galaan doorashada.


Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa weftiga beesha caalamka ugu jawaabay inaanu awood u lahayn wax ka badalka shuruudaha lagu xidhay murashaxiinta iyo arimaha la xidhiidha doorashada, isaga oo xusay in arimahan lagala hadli karo guddida doorashada.


Ka dib jawaabta madaxweyne Axmed Madoobe ayey weftiga beesha caalamku gudoonsadeen inay guddida doorashada ka sugaan jawaab la xidhiidha hanaanka ay ugu tala galeen in doorashadu ay ku dhacdo.



Weftiga beesha caalamka ee kulanka la qaatay madaxweynaha Jubboland ayaa waxa hogaaminayey wakiilka qaramada midoobay ee Soomaaliya James Swan waxaa kale oo wafdiga ka mid ahaa xubno ka socday IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale.

Loading...
Loading...