Tartanka Cawke Award:-Ogaysiis Ku Socda Dhamaan Suxufiyiinta Somaliland

0
Thursday August 15, 2019 - 15:01:18 in Articles by
  • Visits: 1138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartanka Cawke Award:-Ogaysiis Ku Socda Dhamaan Suxufiyiinta Somaliland

    Tartanka Cawke Award:-Ogaysiis Ku Socda Dhamaan Suxufiyiinta Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartanka Cawke Award:-Ogaysiis Ku Socda Dhamaan Suxufiyiinta Somaliland


Shaacinta: Abaal-marinta Cawke 2019

Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), waxa uu sanadkii Afraad u qabanayaa suxufiyiinta Somaliland Tartanka Abaalmarinta Cawke oo sanad walba ururku qabto, kaasoo looga dan leeyahay in lagu soo saaro saxafiyiin Tayo leh.

Image result for ururka solja


Tartanka Abaal marinta waxa si rasmi ah loo iclaamin doonaa 15 bisha August illaa 15 bisha October oo ah muddo labba bilood ah waxay Suxufiyiintu fursad u heli doonaan inay ku soo sameeyaan kuna soo xareeyaan Barnaamijyadooda. Halka ay16 illaa 30 bisha October guddidu ku dhamaystiri doonto Sixitaanka iyo soo saarida Natiijada Guulaystayaasha Tartanka. isla bisha November 9-10, 2019 waxa la qaban doonaa munaasibada Abaalmarinta oo ku beegan Xuska maalinta Saxaafadda Somliland.


Barnaamijyada lagu Tartami doono


1.Cadaaladda: sidee loo heli karaa Garsoor sugan iyo marin cadaaladeed oo bulshada tusa dariiqa saxda ah

2.Nabada:sidee loo xoojin karaa Nabad gelyada iyo Wadajirka Dalka JSL

3.Dhaqaalaha:Sidee loo kobcin karaa dhaqaalaha Dalka, loo yarayn sicirbararka, loona samayn karaa Shuruuc fududaynaysa

4.Maamul wanaag:Sidee loo heli karaa maamul wanaagsan oo isla xisaabtan leh

5.Cimiladda:sidee looga hor tagi karaa isbedelada cimilada iyo ilaalinta Deegaanka

6.Khayraadka Dalka:sidee loola soo bixi karaa khayraadka Dalka ku jira.

Warbixinadda, muuqaalada iyo qoraaladaba waxa lagu diri doonaa Emailkan ([email protected])

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh xafiiska guud ee ururka ama garaac 572604.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...