Wadahadalada Hubka Dhigista Casrigan Q/1aad. Qalinkii Axmed Cali Kaahin

0
Thursday August 15, 2019 - 09:46:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadahadalada Hubka Dhigista Casrigan Q/1aad. Qalinkii Axmed Cali Kaahin

    Wadda hadaladu waa wadada is faham iyo afgarad. Hadii doodu caafimaad qabto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadda hadaladu waa wadada is faham iyo afgarad. Hadii doodu caafimaad qabto.  ilina u dabnayn dhinac.  balse mar  kale waa  hub ka dhista ugu fiican ee bulsho lagu e keeyo.  suna malab loogu qooshayo. Halka dhinaca kale u tahay fursad is hubayn is diyaarin iyo mashquulin ka kale. Waa dabinka geerida ee u adag. sida falastiinta ku socotay qarni ku dhawaad.

Imran Khan Raisal Wasaaraha Bakistaan waxa laga qoray daqiiqada aad tanasulka bilawdo, waa daqiiqada aad istaaga bilaabayso iyo  dib u noqoshada.

Adiga lagu daawad siinayo sawir  xeel dagaal oo madhan u muuqda. Dagaalka la isku cadaysto markuu ka guuldaraysto dhinac. Waxa loo wareegaa qaabkan  halista  badan ee wadda hadaladaa la hawlgaliyaa .

Istaadhka jabaqlda la , shidaalka si hoosa loo miistaa, si aan loo nasin socodka, baraarugana, jabaqdana  laga dhawaraa, si dhagahoodu u maqlaan kaliya  miyuusiga  macaan ee waddahaddalada haddoodilan ee baanta ah.

Noocan baa ugu khatarsan xaga dhaawaca iyo saamaynta uu leeyahay ileen waa nabar aanad dhaadayne. Markuu igu dhaco uun baan baraarugaa waar wadda hadaladii hore maxaa ka bisil oo aan ahayn khiyaamadii waynayd ee abid ina soo marta.

Waayo halkay taabanaysaa xasaasiya, oo ah  waxa dadka dhaqaajiya  iyo dareenka, ku rakiban qalbiga naxariista iyo nacaybka soo butaaciya. Markaa midna way isticmaalayaan oo nacaynka ah xagooda. Adigana Somalilana  naxariistaadaa la daarayaa si aad u dawakhdo.

Iska dhici  duruufahaa inoo guntay oo maskadeena ku duubay cajalado waaweyn oo waligood duugoobayn. Markhaatina u yihiin nabadara ma guuraanka ku ah oogada dadka iyo baladkaba,  

Duruufahaasi ma  masixmi karaan, isma dhalan rogayaan waligeeo oo waxay ku qotomaan qalbiyada malaayiin dad ah. Balse doqoniimadoodii hore haareenka tu lamiday isku dayayan tanaana ka xun tii hore

Si butaaca qalbigun loo badalo si uu usoo daayo dareen naxariiseed oo walaalnimo. Kaasoo aad inoogu baddan ilaa lixdankii . dareenkaasi baa laydh wali lagu daadiynaa hadda. wuxuu falay ma qirsana dareena ka xumaan xumaantaa dhacday hadalkeeda daa waxaana waxa falay dawald sumadeed.

Wali batroolkaa jacaylka waa la inga baadh baadhayaa meel uu inala gaadhaba. waa halkii Cigaale halkii noo xanuuni jirtay wayna bogsatay

Waxaa lagugu shubay walaalaynu nahay iyadoo midiyihii laguu lisanaayo adhigaa sii muuqdaa u dambeeyay, waa sababta munaafiqiinta uga cadaab iyo foagaan badan yihiin gaalada.

In ajende kuu hooseeya afkana boodh soo marsato. Waxa ugu liita kuwa kuwaa u dhegraariciye ee halkan jooga raggu ama halkaasay tagaan ama halkanay sharaf ku joogaa.  Oo maalinba mashruuc yar oo calyo laga raadinayo caruurta laguma dhago barjeeyo. Nin noqoo halkaa wax nool ka raadso. Nin noqoo halkan wax sharafleh ka raadso. Ama shacab xalaala ahaw dhanwalba.

Hadda dhacdooyina caddaawadeed eed fasheen naga qanciya, wadda hadal ha dambeeyee. Wasiirku Cawad qadiyadihii Hawada, Adhiga, DP, Kaalmadii reer Galbeedka, Xajkii, Xidhiidh jaridii,  waxa uu ku sheegay Qaran ilaalin,

Hooyada  waxba ogayn ee neefkii ay biilkeeda kala so baxaysay aad xanib is tidhi, ileen arsaaq la iskuma keen dhiibin bee, mana xanibi kartide, bal inaadeer qaran ilaalintaa horta ii sharax hooyada aad neefkii sanadka korinaysay biilkeeda u jar is tidhi.

 Marka kaartada hore fashilanto ee ay midho dhaliwdo, waa in waddooyin kale la raadiyaa waana ta u haboon, nabdoon, kharashyar uguna khatarsan hadda iyo mustaqbalkana saamayntiisu sii riiqanto jiilal iyo wahti dheer.

Ummadani waxay ka soo kaban laa yihiin wixii qarniyaal dhisayeen, ee diyaaradihii dawladoodii loo dalbaday baabiinta magaalooyin dhan oo caasimad ku xigeenkii kow ka tahay, Lana adeegsaday ajaanib calooshood u shaqaystayaal majixin jixayaal maafiyo ah.  in dumarka iyo ciyaalka ku garacaan qoryihii waagaa ugu casrisanaa,

Wali maad aragtay masuul Somalia oo dhibtii iyo rafaadka kasoo gaadhay. Qof dhacdadaa Diyaaradah xusaya oo masuula Somalia arki maysid. Nin dambu uu badhleeyay. marka laga reego Axmed dheere duulihii diiday duqaynta shacabka oo diyaaradiisii dajiyay duleedka xeebta jabuuta.

Halkaana qurbaha magangalyo waydiistay. Damiirkiisuna siin waayay in uu walaaihii oo aan waxba galabsan madaafiic diyaaro walwaalayaan dusha maatida kaga soo hurgufo.  Ahmed  oo hadda nool hargaysana lagu soo dhaweeyay wakhti uu soo booqday.

Qaar baaba been u haysta duqayntii diyaarada haa waa loo garaabi karaayoo wax maskaxda gali kara maaha shaqabkaaga duqee balse way dhacday oo waa xaqiiq anaana ka mid ahaa dadkii ka badbaaday.

Haddaba ninka Somaliga ah ee Duqayntii Diyaarada dhacdadaa been u haysta sideen u wadda hadli karnaa ama u heshiin karnaa. Iyagoo Tv yada waxaa ka sheega warar beena oo kusaabsan dhacdadan sida ka dhacday warbaahinta fadhigeedu London yahay nin ku casuunaa barnaamij TV.  Xataa wariye aan joogin baa dhacdada ayaa qari isle. Kala fogaa ragtidada dadku. Haddana anoo sidaasa I caashaq. Waa caqligee.

Waxa kasii darnaa wax yaabihii ka dhashay oo aanan la soo koobi karin sida

·         ka baxsigi diyaarada oo dad badan ku le’deen,

·          kii qaxoontiga iyo inta qof qiime leh ee cudur iyo gaajadii qaxoontiga u leday caruurt iyo waalidiinba,

·         iyo kuwii markii dalku xoroobay dal jacayl awgii madax madax isku soo tuuray, kana soo cararay qaraamaadkii yaraa ee qaxootiga quudan jireen.

·         Miinada meelkasta ku aasnay, Alla maxaa caruur iyo ciroole ku le’day ama ku naafoobay oo ilaa maanta la duruufaysan,

·         waxa ka sii darnaa quutal daruuriga oo  il dakhli oo dhaqaale jirin iyo suuq wax lagu kala gadisto.

·         shaqo hadalkeed daa.

·         Dadkuna wax kastoo mood ah xaraasheen dhamaan wixii hanti maguurta ah ee ay  lahaayeen. si wax hunguriga la mariyo looga helo qiime hoose oo bakhsan lagu gadi jiray.

Taasoo xaaladii dalka ka jirtay iyo rafaadkii yaalay meel dagaal ka dhamaamay muddana socoday, nooc kastoo hubka ah loo adeegsaday dad iyo duunyaba,  qaxoontigu noqonayay jano badhtankeed baahidii bariga waddanka taalay.

Haddi Rabbi Swt. Idmo Q/2aad baa xigi.

Qalinkii: Axmed Cali Kaahin

[email protected]                            HA HILMAAMIN XUSKA RABBI

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...